Tuesday, July 7, 2015

Kenya: 17 qof Oo Lagu Dilay Mandheera Iyo Alshabaab Oo Sheegatay.

Mandhera 7 July 2015 (Himilo)-Ugu yaraan 17qof oo shaqaale ah ayaa lagu diley habeenimadii xalay (Salaasa) weerar ka dhacay gudaha degmada Mandheera ee dalka Kenya.

Weerarka ayaa ka dhacay guri ay wada deganaayeen dadkan oo ahaa kuwa dhagaxa (Macdanta) jebiya isla markaana aan Soomaali ahayn.


Ururka al-Shabaab ayaa si rasmi ah u sheegtey in ay iyagu ka danbeeyaan weerarkaas, waxaana ay sheegeen in ay ugu aargudeen weerarkii lagaga diley 11 ka tirsan malayshiyaadka al-Shabaab.

Hore ayaa koox ka tirsan ururka al-Shabaab ay u dileen dad badan oo ahaa kuwa noloshooda ku maareeya jebinta Dhagaxa ama Macdan Qodayaasha.

Waa weerarkii u horeeyey ee al-Shabaab ay fuliyaan tan iyo weerarkii ka dhacay gobolka Lamu.

Himilomedia
Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment