Tuesday, July 21, 2015

Soomaaliya oo isu-diyaarinaysa la soo wareegidda Maamulka Hawada, Xarumaha oo noqon doona Muqdisho & Hargeysa iyo Shuruudda ku xidhan Xafiiska Somaliland laga furayo

Muqdisho, 21 July, 2015 (Himilo)- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Axmed Cali Jaamac (Jangeli), ayaa sheegay inay dawladdu isu diyaarinayso sidii ay Maamulka Hawada dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya ula soo wareegi lahayd, isla markaana waxa xusay in laba Xarumood laga hagi doono oo ta koowaad tahay Caasimadda Muqdisho, halka ta labaad ay noqon doonto Hargeysa haddii lagu heshiiyo wadahadalka Somaliland iyo Soomaaliya u socda sida uu ku dooday Wasiir Jaangali.
Wasiir Jangeli oo wareysi siiyey Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da shalay, ayaa sheegay in qorshaha lasoo wareegista Hay’adda Duulista Hawada ee Soomaaliya uu si wanaagsan u socdo, isla markaana ay hadda ku jiraan diyaarinta shaqaalihii ka hawlgeli lahaa iyo qalabkii lagu shaqeyn lahaa.
“Halkan (Soomaaliya) ayaan doonaynaa in laga Maamulo Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliya, laakiinse shaqaalihii iyo qalabkii lagu shaqeyn lahaa ayaan weli diyaar noo ahayn, hadda ayaanan ku jirnaa diyaarintooda.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya Cali Jaamac Jaangali, waxaanu xusay in Garoommada Diyaaraduhu ay hoos-iman jireen Hay’adda Duulista Hawada, isagoo intaas ku daray in Garoonka Muqdisho lagu Wareejiiyay Shirkad Turkish ah oo dhismo ku wadda, sidoo kalena Dhaqaalaha Maamusha.
Mar la Weydiiyay Wasiirka Su’aal ahayd sida loo Maamulo Dhaqaalaha Duulista Hawada gaar ahaan (Civic Aviation-ka) kasoo gala Soomaaliya, taasoo Shaki laga muujinayo halka ay ku baxdo iyo sida loo maamulo, wuxu ku Jawaabay; “Dhaqaalahaas waxaa maamula qolyihii hore u Maamuli jiray, laakiinse Wasiirradii iga horreeyay ayaa heshiisyo la galay, waxaana xilligan lagu bixiyaa Horumarinta Waaxda Duulista Rayidka ah ee Hawada Soomaaliya. Runtii Lacagahaas markii hore sida ay ku baxdo waxaa maamuli jirtay CACS oo ka tirsan Hay’adda UNDP, kuwaasoo dhawaan qoraallo ku saabsan sida ay u maamuli jireen noosoo bandhigay.”
Wasiirka ayaa intaas ku daray in wixii hadda ka dambeeya ay Maamulka Duulista Rayidka ah ee Somalia ay yeelan doonto Dowladda Federaalka Soomaaliya, Waxaana loo Adeegsan doonaa Dhaqaalaha kasoo baxa Barnaamijyada Horumarineed ee Socda. Cali Jangeli ayaa waxaa kaloo la Weydiiyay su’aal ahayd; Qalabkii lagu Shaqeyn jiray ma la Bedelay mise iyagii ayaa Weli lagu Shaqeeyaa, Wuxuuna Wasiirku ku Su’aashaas kaga Jawaabay; “Hadda uun baa la Sameynayaa. Qalabka la keenayana Waa Qalab aad u fiican oo casri ah oo laga dalbay dalka Talyaaniga.”
Jaangali oo jawaabta su’aashaa sii wataa waxa uu yidhi; “Waxaa la sameyn doonaa laba Xarumood oo laga hagi doono Hawada, kuwaasoo midkood ay noqon doonto Muqdisho, midka kalena waxaannu Jecelnahay in haddii wadahadallada Somaliland ay dhammaadaan laga sameeyo Hargeysa, Xarumahaasna aad ayaa loo qalabeyn doonaa.”
Wasiirka Duulista oo la weydiiyay qalabka hadda lagu shaqeeya waxa uu yahay, ayaa ku dooday inuu yahay mid diyaaradaha Muqdisho imaanaya oo keliya lagu soo dejiyo, balse ay doonayaan in la sameeyo Hay’ad Duulista Diyaaradaha Soomaaliya soo Dul-mara oo ay ku jirto kuwa Badweynta oo ay Soomaaliya qaabbilsanayd weligeed laga hago Xamar.
Jangeli ayaa la weydiiyay su’aal ahayd; Maaddaama uu hadda yahay Wasiirka Duulista Hawada Soomaaliya waxbana aanay faraha ugu jirin waxa ay shaqada Masuuliyaddiisu tahay, waxa uu ku jawaabay; “Mas’uuliyaddeydu waxa weeye sidii wax loo hagaajin lahaa, Shuruucdeedii loo sameyn lahaa, xarun loo dhisi lahaa loona soo wareejin lahaa hay'adda duulista, waxaana innaga na Saaran Ma’suuliyad Qaran oo ah sidii loo soo Wareejin lahaa Hawada Somalia. Dowladda Federaalka Soomaaliya Waxay arrintaas u xil-saartay Wasaaradeyda, si Hawada Somalia looga Maamuli lahaa Gudaha dalka.”
Wasiirka ayaa la weydiiyay halka laga keeno mushaarka la siiyo shaqaalaha u Shaqeeya Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Dawladda Federaalka Soomaaliya, wuxuu ku jawaabay inay Shaqaaluhu yihiin Shaqaale dawladeed, balse ay laba qaybood u qaybsamaan; kuwaasoo qaarkood u shaqeeyaan Wasaaradda, halka kuwa kalena ay u shaqeeyaan Hay’adda Duulista dhammaantoodna ay Mushaharka siiso dawladda Soomaaliya.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment