Tuesday, October 20, 2015

Amar ka soo baxay Madaxwaynaha Puntland oo lagu siiddaayey 8 Qof oo Guddiga Doorashooyinka Somaliland u diray Bariga Sanaag

 

Badhan, 20 October, 2015-(Himilo)- Siddeed Xubnood oo ka tirsan Hawlwadeennada Guddiga doorashooyinka Somaliland iyo Ururro Maxalli ah oo waday wax loogu yeedhay wacyigelin la xidhiidha doorashooyinka, kuwaasoo dorraad laga afduubay deegaanka Badhan ee Bariga gobolka Sanaag. ayaa Shalay la sii daayay.

Cumar Jaamac Faarax oo ah Guddoomiyaha Ururka Taakulo oo ka mid ah Xubnaha la sii daayey, ayaa shaaca ka qaaday inay afduubteen Ciidammo ka tirsan Maamulka Puntland, kuwaasoo ka soo horjeeda wacyi-gelinta dadweynaha ee qaadashada Kaadhka Muwaadinimo oo xubnahani doonayeen inay ka soo fuliyaan Badhan ilaa Dhahar oo ka mid ah deegaannada Somaliland ee Puntland sheegato.

Waxa uu intaa ku daray in ciidammada qabsaday ay si wanaagsan ula dhaqmeen, inkasta oo uu sheegay in laga reebtay qaar ka mid ah agabkii doorashada oo ay wateen. Cumar Jaamac Faarax oo khadka Telefoonka ugu Waramay ayaa isaga oo ka waramaya sidii loo qafaashay waxa uu yidhi; “Doraad annaga oo marayna inta u dhaxeysa Yubbe iyo Hadaaftimo ayay na qabteen Ciidammo hubaysan oo ka socda Puntland, annaga, gaadiidkayagii iyo agabkayagiiba way la wareegeen waxayna nagu xidheen Saldhig Milletari oo ku yaala degmada Badhan.”

Cumar Jaamac oo sii watay sharraxaaddiisa, waxa uu yidhi; “Waxaannu ahayn 8 xubnood waxaanuna u soconay wacyi-gelinta codbixinta doorashooyinka oo aanu gaadhno Badhan, Dhahar iyo Nawaaxigooda ayaanu u soconay, markaa waxa na qabsaday Maamulka Puntland oo diiddanaa siyaasadda iyo doorashooyinka Somaliland” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray; “Innamada (Askarta) na kaxeeyay si aad u qiimo badan ayay noola dhaqmeen oo karaamo leh, inkasta oo ay markii dambe nagala wareegeen agabkii aanu sidanay.”

Guddoomiyaha ururka Taakulo waxa uu sheegay in markii la soo daayay lagala hadhay Waraaqihii Wacyigelinta ee ay doonayeen inay ku dhajiyaan gaadiidka iyo derbiyada, waxaanu yidhi; “Agabka lanagala hadhay waa Waraaqihii aanu qaybinaynay ee aanu gidaarrada ku dhajinaynay, laakiin gaadiidkayagii, hantidayadii aad baanu nabad qabnaa. Waxaa na soo daayey taliyaha Ciidammada Puntland ee Aagga Badhan Cabdillaahi Cumar Cashuur si wanaagsana noola dhaqmay, waxaanu nagu soo daray Ciidan na keena Jiidali iyo Yubbe dhexdooda.”

Xubnaha la soo daayey ayaa waxa ku jiray Guddoomiyaha Komiishanka doorashooyinka Qaranka Somaliland ee gobolka Sanaag Axmed Cali Biixi. Inkasta oo xorriyaddooda loo celiyey masuuliyiinta Komiishanka doorashooyinka kala shaqeynayey Wacyi-gelinta diwaangelinta cod-bixiyayaasha doorashooyinka Somaliland haddana waxa tallaabadani muujinaysaa awoodda Ciidan ee Maamulka Puntland ku leeyahay Aaggaga bariga Sanaag ee Somaliland.

Dhanka kale, Badhasaabka Maamulka Puntland u jooga Gobolka Badhan oo la waydiiyey sababta loo siidaayey Masuuliyiinta ka socday komiishanka doorashooyinka Somaliland maadaama oo markii hore la qafaashay, ayaa sheegay in lagu siidaayey Amar ka soo baxay Madaxweynaha Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas). “Waxa lagu siidaayey amarka Madaxwaynaha Puntland oo ah hoggaamiye ka shaqeynaya nabadda.” ayuu Idaacadda VOA u sheegay Maxamed Cabdi Ciyoon oo Puntland u jooga Badhan.

 

 Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment