Muqdisho, 20 October, 2015-(Himilo)- 28 Xubnood oo isugu jira Wasiirro, Xildhibaanno iyo Masuuliyiinta kale ee Beelaha Isaaq kaga jira dawladda Federaalka Soomaaliya, ayaa ka soo horjeestay nidaamka ay u dhisan tahay Madasha Wada-tashiga Soomaaliya oo sannad iyo badh ka hor la aasaasay, isla markaana ay hadda ku baraarugeen qaabka ay u dhisan tahay, iyagoo ku doodaya in Saami laga siiyo Beelaha Isaaq ee ay magacooda halkaas ku joogaan.
Wejiga labaad ee Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya oo shalay ka furmay magaalada Muqdisho, isla markaana lagu faaqidayo habka la doonayo in sannadka 2016-ka ay doorasho Shacabku Codkooda cidda metelaysa ku soo doortaan uga dhici lahayd dalkaas.
Wada-tashiga Qaran oo uu furay Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, waxa ka qayb-galay Madaxwaynayaasha Maamullada Puntland, Jubbaland, Gal-mugud iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya, Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Maxamed Cismaan Jawaari iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Nickalas Kay.
Madasha Wada-tashiga Qaran ee Soomaaliya oo uu wado Guddi loo bixiyey Madasha Wada-tashiga oo ka kooban 11 Xubnood oo ka kala ka socda dawladda dhexe, Maamullada Soomaaliya, Baarlamaanka iyo Qaramada Midoobay, ayaa ujeeddadiisu tahay sidii doorashada loo wada gaadhsiin lahaa dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, iyada oo la marayo nidaam ka duwan ka Odayaasha Beeluhu soo xulaan Xubnaha Baarlamaanka, waxaana Miiska saaran oo shirka Muqdisho ka furmay lagaga doodayaa ka la qaadanayo afar nidaam oo kala ah:-
- In doorashada Baarlamaanka laga bilaabo heer degmo.
- In doorashada Baarlamaanka laga bilaabo heer gobol
- In lagu dhaqmo 4.5 iyo qaabkii hore ee Odayaashu soo xuli jireen Xubnaha Baarlamaanka iyo
- In la isku dhafo (daro) doorashada Baarlamaanka oo heer Gobol, ama degmo iyo Nidaamka 4.5 ee uu immika ku dhisan yahay Baarlamaanku. Waxaase intaa dheer oo laga wada-tashanayaa in dib-u-eegis lagu sameeyo Dastuurka ku-meel-gaadhka ah.
Arrimahan oo la sheeggay inay bilow u yihiin qaabka Beesha Caalamku ku doonayso in Soomaaliya ku gaadho qorshaha higsiga cusub (New deal) ee sannadkii hore loogu dejiyey dalka Denmark. Waxaanu nidaamkaasi salka ku hayaa habka Federaalaynta ee Soomaaliya lala doonayo inay mustaqbalka ku dhaqanto, inkasta oo hoggaamiyayaasha Maamulladu aad u kala aragti duwan yihiin.
Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa Shalay furitaankii Shirka Wada-tashiga ka sheegay in dawladdiisu ay saddexdii sannadood ee u dambeeyay ka shaqeynaysay fulinta higsiga 2016-ka, waxaanu yidhi; “Saddexdii sano ee lasoo dhaafay waxaan ku hawlanayn fulinta Higsiga 2016-ka oo ka kooban saddex tiir oo waa-weyn. Tiirka 1-aad waa dhismaha nidaam federaal ah oo dalku yeesho, maantana waxaa leennahay maamul-goboleedyo metela shacabka Soomaaliyeed.”
“Kuwaasoo ay Madaxdoodu halkan joogaan, iyagoo ah wakiilla shacabkii soo doortay, waxaanan rejeynayaa in Maamullada hadhay sida ugu dhakhsiyaha badan loo dhammeystiri doono oo inta aannu wada-tashigani dhammaan sannadkan dhammaadkiisa, iyaguna ay kusoo biiraan, hawshuna meel aad u wanaagsan ayey noo maraysaa.” Sidaa ayuu yidhi Madaxwaynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlayey furitaankii Shalay ee Shirka Wada-tashiga.
Hase-yeeshee, qorshaha ay waddo Madasha Wada-tashiga Soomaaliya oo ka kooban 11 Xubnood oo kala metelaya dawladda dhexe iyo Maamullada hoos taga, ayaa nidaamka loo soo dhisay waxa diiddan Xubnaha ku jira dawladda Soomaaliya ee ka soo jeeda Somaliland, gaar ahaan kuwa Beelaha Isaaq (Beesha dhexe ee Somaliland), kuwaasoo doonayey in Madasha Wada-tashiga Soomaaliya lagu dero dad metela Shacabka Somaliland.
Wasiirrada iyo Xildhibaannada ka soo jeeda Somaliland oo dedaalka ugu jira in Somaliland Mustaqbalka ku biirto Soomaaliya, isla markaana ku andacoonaya in Shacabka Somaliland la siiyo wixii ay xaq u lahaayeen, ayaa weji gabax kala kulmay dhismaha Madasha Wada-tashiga, ka dib markii ay caddaatay inaan hal xubin oo magaca Somaliland ku fadhiisata Madasha Wada-tashiga lagu dari waayay.
Xildhibaannada iyo Wasiirrada reer Somaliland oo dorraad soo saaray Baaq ay ku dalbanayaan in wax laga beddelo dhismaha Madasha Wada-tashiga Soomaaliya oo tiradoodu dhan tahay 28 Xubnood, ayaa Baaqooda ku yidhi sidan:-
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment