Thursday, October 1, 2015
“Cabdiweli Gaas(Madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland ) Waxaan Leeyahay Ha Kalifin In Ciidamada Qaranka Somaliland Kuugu Soo Galaan Garoowe Oo Ay Kasoo Dhexqaataan”Xildhibaan Indho-Indho.
Hargeysa 1, October, 2015(Himilo)-Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-indho oo ka mida mudanayaasha aqalka golaha guurtida ee kasoo jeeda gobolada Sool iyo Sanaag Bari ayaa ka hadlay shaqaaqooyin maalmihii u dambeeyay ka dhacayay koonfurta gobolka Sool.
Ciidamada Maamul goboleedka puntland ayaa dad shacaba ku laayay koonfurta gobolka Sool isla markaana markii ay dadka laayeen u baxsaday dhinaca xuduuda Ethopia .Xildhibaan Indho-Indho waxaa uu fariin u diray dawlada Ethopia si ay u fuliso heshiiskii labada dawladood ku kala saxeexdeen magaalada Diridhaba ee ahaa in aan cadowga Somaliland soo gali Karin ethopia.
Xildhibaan Indho-indho waxaa kale oo digniin u diray madaxwaynaha Maamul Goboleedka Puntland isagoo ugu baaqay hadii uu ka tanaasuli waayay dagaalada ay ciidamadiisu ku laynayaan dadka reer miyiga in loogu gali doona magaalada Garoowe islamarkaana laga soo dhexqaadi doono isagoo madaxwayne Ah.
Xildhibaan oo maanta saxaafada kula hadlay Hargeysa ayaa Ugu horayn ka hadlay“Horta beelaha dagaalamayaa waxay ku dagaalamayaan xuduuda, ciidanka qarankuna way la joogaan oo waa kii shalay Baashe (Guddoomiye Ku Xigeenka 1aad ee Golaha Wakiilada) Ka Yimid, waad arkayseen inuu ciidamadii qaranka watay, Muhiimadu waxaa weeyi Edeb darada Ay Puntland usoo kaxaysanayso Tiknikada Maatida,oo aan la qaadan karayn, .”
Xildhibaan Indho-indho waxaa uu fariin u diray dawlada Ethopia isagoo ugu baaqay in ay fuliso heshiiskii labada dal kala saxeexdeen maadaama ciimada Puntland markay xuduudka Somaliland dadka ku laayaan ay galayaan xuduuda dalka Ethopia.
“Xuduuda Ethopia ee ay marba dabada galinayaan ee ay fidnada ka wadaan waxaa weeyi heshiiskii Somaliland ay la gashay dawlada Ethopia, oo runtii ahaa heshiis dhaxal gala, ciidankeenu wuu ixtiraamayaa heshiiskii oo xuduudka kama talaabayo, Ethopiyana eeganmayso puntland oo intay maatida xadka layso, marna xadkeeda gasho marna ku kale gasho, Ciidankeenu ciidamadooda waxaa uu dheeryahay waayeelnimada. Dad marba intay reer mii meel jooga soo weerara weeyaan ee maaha dad meel fadhiya oo lala dagaalamo, ciidamadeena iyo dadka shacabka ah ee halkaasi jooga ayaa ku filan”
Xildhibaan waxaa uu digniin adag u Diray madaxwaynaha Puntland “Haday xuduuda somaliya u yaacaan way gali lahaayeen ciidamadeenu, oo kagamay hadheen laakiin xuduudka ethopia ayay galeen oo heshiiskii ayaa la ixtiraamayaa. Puntland iyadaa liidata maanta oo jilicsan ee inay wax maagmaagto maaha, iyadaanu la talinaynaa, madaxwaynaheeda ayaanu la hadlaynaa, waxaanu leenahay halkaasi xasarada ka daa, meel halbawle ah weeyi, reer mii ciidan weeraro lama arki jirin, ha kalifin in ciidamada qaranka Somaliland soo galaan Garoowe, oo kasoo dhexqaataan.”Sidaasi ayuu Xildhibaan Cabdiqaadir Indho-Indho.”
Laba Beelood oo ay shaqaaqo ku dhexmartay Koonfurta Gobolka Sool ayaa waxaa dhinac la saftay ciidamada Puntland oo Wata baabuur Tikniko ah dad reer miyi ahna ku laayay xuduudka somaliland Iyo Ethopia, markii dambena u baxsaday dhinaca xuduuda Ethopia.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment