Thursday, October 1, 2015
Xildhibaan Xasan Cawaale Oo Si Rasmiya Ugu Dhawaaqay Inuu U Taaganyahay Musharaxa Madaxtinimo Ee KULMIYE.
Hargeysa 1,October, 2015 (Himilo)-Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan oo ka tirsan mudanayaasha golaha wakiilada Somaliland ayaa maanta si rasmiya ugu dhawaaqay inuu u taaganyahay Musharaxnimada Madaxwaynanimo Ee Xisbiga Kulmiye.
Xildhibaanku waxaa uu sheegay in markii uu gogol u fidiyay sadexda musharax ee isku haya xisbiga kulmiye ay kasoo jawaabi waayeen taasina ay ku kaliftay inuu u tartamo jagada musharaxa madaxwaynanimo ee Xisbiga Kulmiye.
Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Oo Maanta Saxaafada Kula Hadlay magaalada Hargeysa ayaa shaaciyay inuu la tartamayo musharaxiinta ku hirdamaya xisbiga Kulmiye kadib markii ay samayn waayeen isku tanaasul “Maanta waxaan shaacinayaa oon golaha dhexe ee Kulmiye uu sheegayaa inaan ahay musharax madaxwaynaha Jamhuuriyada Somaliland, oo aan iska sharaxay golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye, taasina waxaa igu kalifay markii aan arkay dad badan oo isa soo sharaxaya, markaan is idhi kala saar way kala bixi waayeen ana waxaa markaasi gartay inaan isku soo sharaxo jagada madaxwayne”Ayuu Yidhi Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan.
Ku Dhawaaqis Jaggada madaxwaynenimo ee Xildhibaan Xasan Cawaale Caynaan Ayaa imanaysa maalmo kadib markii xildhibaankaasi gogol u fidiyay musharaxiinta ku hirdamaya xisbiga Kulmiye ,Si uu ugu qanciyo inay isku tanaasulaan oo aanay beesha ay kasoo wada jeedaan kala jajabin.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment