Ouagadougou, 03 October, 2015-(Himilo)- Hoggaamiyaha Af-gambigii Fashilmay ee Bishii hore ka dhacay Waddanka Burkina Faso Jen. Gilbert Diendere, ayaa la xidhay, sida ay u sheegeen Warbaahinta Saraakiil sare oo ka tirsan Hay’adaha Ammaanka Burkina Faso.
Wararka hore, ayaa sheegayay in Jen. Diendere oo ahaa ilaalada Madaxtooyada dalkaas ee Afgambiga sameeyay uu goor sii horreysay si magan-galyo-doon ah uu u galay dhismaha Wakiilka Baadariga Diinta Masiixiga uu Caasimadda dalkaas ee Ouagadougou ku leeyahay.
Madaxweynihii Ku-meel-gaadhka ahaa ee la Inqilaabay Michel Kafando, ayaa ka dib fara-gelin ay Xiisadaha ka taagan dalkaas ku sameyeen Hoggaamiyeyaasha dallaka Galbeedka Afrika Xabsiga laga sii daayey. “Jen. Diendere haatan waxaa lagu soo wareejiyey Gacanta Xukuumadda.” ayaa waxaa u sheegay Wakaaladda Wararka Reuters Saraakiil Dhanka Amniga ah oo ku sugan Ouagadougou. Balse warkan ku saabsan in Jen. Diendere Xukuumadda Burkina Faso lagu soo wareejiyay ayaan weli ahayn mid cad.
Sidoo kale, Toddobaadkii hore ayaa xayiraad lagu soo rogay hantida Jen. Gilbert Diendere iyo 13 xubnood oo kale oo looga haysto Af-gambigii ka dhacay Burkina Faso, inkastoo aan magacyadooda la shaacin. Kulan ay yeesheen Golaha Wasiirrada Madaxweyne Kafando, ayaa lagu go’aamiyay in la kala diro ilaalada madaxtooyada dalkaas oo ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay iyo Wasiirkii amnga dalkaas.
Ciidammada ilaalada Madaxtooyada Burkina Faso, ayaa waxay ka kooban yihiin 1,200 oo Askari oo aad u tabobbaran, kuwaasoo daacad u ahaa Madaxweynihii hore ee dalkaas xukumayay 27-ka sano Mr. Compaore oo sannadkii hore la eryay.
10-qof ayaa la rumeysan yahay inay ku dhinteen dibed-baxyadii ka dhacay dalkaas wixii ka dabmeeyay Afgambigii dhicisoobay; iyadoo ay 100 qof oo kalena ku dhaawacmeen. Waxaa afgembiga Saraakiisha Millateriga ka tirsan ee Burkina Faso ku kaceen cambaareeyey dawladaha caalamka ee Maraykanka, Britain, France iyo kuwo kale oo badan.
Himilomedia
Hargeysa Office
No comments:
Post a Comment