Tuesday, October 20, 2015
Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlay Xiisadda KULMIYE iyo Kala-qaybsanaanta laga dareemay Soodhawayntiisa ee Xil-doonayaasha Xisbigaas
“Waxaan Xisbiga iyo dawladdaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada Qarannimada, wada-jirka iyo anshaxa suubban ee tartanka dimuquraaddiga ah, iyadoo la dhawrayo Xeerarka Xisbiga KULMIYE u yaalla…” Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)
Hargeysa, 20 October, 2015-(Himilo)- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) iyo Wefti uu hoggaaminayo oo Socdaallo shaqo ugu maqnaa waddamo dibedda ah oo kala duwan, ayaa Insiintii shalay ku soo laabtay dalka, isla markaana si diirran loogu soo dhaweeyey Garoonka Diyaaradaha Cigaal ee Magaalada Hargeysa oo ay ku qaabbileen inta badan Masuuliyiinta Xukuumadda iyo Hoggaanka Xisbiga KULMIYE ee hirdanka Kursi-doonka KULMIYE ku kala irdhoobay.
Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland, Xubnaha Golaha Wasiirrada, Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE, Xildhibaanno ka kala tirsan Golayaasha Guurtida, Wakiillada, Golaha Deegaanka Caasimadda, Masuuliyiinta dawladda Hoose ee Hargeysa, Maamulka gobolka Maroodi-jeex, Madax-dhaqameed, Masuuliyiin iyo Shacab kale, ayaa soo dhaweeyey Madaxweynaha Somaliland oo kaga hor-tegay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Hargeysa. Kuwaasoo dhammaantood laga dheehanayey is-haynta iyo kala qayb-sanaanta siyaasadeed ee ka dhex-taagan Xisbiga talada haya ee KULMIYE.
Waxa uu soodhawayntaas iyo Salaan-sharafta uu Ciidammada ka qaatay ka dib, Madaxweyne Axmed-Siilaanyo Qolka nasashada ee Madaarka Hargeysa kula hadlay Saxaafadda, isagoo si kooban uga warramay safarrada uu ku soo maray dalalka Imaaraadka, Ireland iyo Britian, isla markaana waxa uu ka hadlay Loollanka Siyaasadeed ee Xisbiga uu hoggaamin jiray ee KULMIYE ka dhex-taagan iyo isaga hankiisu heerka uu gaadhsiisan yahay dhinaca Musharraxnimadiisa marka labaad.
Madaxweynuhu waxa uu ka mahad-celiyey soodhawaynta loo sameeyey, waxaanu sheegay inuu ku faraxsan yahay in isaga iyo Weftigiisu ku soo nabad-noqdaan waddankooda, waxaanu yidhi; “Waxaan ku faraxsanahay inaan dalkii ku soo nabad noqday. Waxaan ka soo laabtay safar shaqo oo aan ku tagnay dalka Ireland, waxaanu la kulanay hay’addaha iyo madaxweynaha dalkaasi oo na marti qaaday.”
Md. Siilaanyo oo ka hadlaya khilaafka loollanka Xisbiga KULMIYE ee meesha sare gaadhay inta uu dalka ka maqnaa, waxa uu yidhi; “Sidaynu ka war-hayno waxa foodda innagu soo haya doorashooyinkii, haddana waxa taagan Shirkii Golaha dhexe ee KULMIYE. Sida dalka lagu yaqaanno, waddanku waa dimuquraaddi, Xisbigana waxa loogu tartami doonaa si dimuquraaddi ah oo loo siman yahay.”
Madaxweynaha Somaliland Axmed-Siilaanyo oo hadalkiisa sii watay waxa uu intaas ku daray oo uu yidhi; “Waxaan Xisbiga iyo dawladdaba kula dardaarmayaa in la ilaaliyo midnimada Qarannimada, wada-jirka iyo anshaxa suubban ee tartanka dimuquraaddiga ah, iyadoo la dhawrayo Xeerarka Xisbiga KULMIYE u yaalla. Waxaan guud ahaan dadka kula dardaarmayaa ilaalinta nabadda iyo wada-jirka.” Siilaanyo oo ka jawaabayey inuu sharraxan yahay iyo in kale, waxa uu jawaabtiisa ku koobay; “Aniga halla gaadho wakhitgeeda.”
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka mid ahaa Masuuliyiinta Weftiga Madaxweynaha, ayaa markii Madaxweynuhu hadalkiisa dhammaystay halkaas ka hadlay, waxaanu sheegay in Madaxweynuhu Khudbad dheer ka jeedin doono Shirka Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE oo u muddaysan tobanka bisha soo socota ee November 2015, uu kaga warrami doono Safarkan dalalka kala duwan uu ku soo maray, Masuuliyiinta uu la kulmay, waxyaabaha ay ka wadahadleen iyo guud ahaan wixii Safarkaas la xidhiidha, sida uu Wasiirku sheegay.
Intii uu Madaxweyne Axmed-Siilaanyo dalka ka maqnaa, waxaa cirka isku shareeray xiisadda loollanka Xisbiga KULMIYE oo diyaarinta shirkiisa Golaha dhexe socdo, ka dib markii uu Xisbigaasi laba Garab u qaybsamay, isla markaana Garab ka mid ah ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi oo Musharrax Madaxweyne u taagan iyo Madaxweyne Ku-xigeenka Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo ku-xigeen ula sharraxan.
Halka Garabka kalena ay hoggaaminayaan saddexda Musharrax ee Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) iyo Wasiirkii hore ee Maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Sameele oo saddexdooduba Jagada Madaxweynaha KULMIYE inay u sharraxan yihiin shaaciyey, kuwaasoo kulan ay ku baaqeen Sabtidii uu is-hor-taagay Madaxweyne Ku-xigeenka oo Muuse Biixi la safan, isla markaana Ciidammo u adeegsaday hakinta kulankaas, waloow markii dambe uu qabsoomay. Waxaanse weli kala caddayn Garabka uu Madaxweyne Siilaanyo la safan yahay oo ay dadka Siyaasadda faaqidaa tilmaamayaan dhinaca uu la safto inay u badan tahay inuu guulaysto.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment