Tuesday, October 20, 2015
Bixinta Kaadhadhka Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE oo Maalintii Afraad gashay iyo Tirada Dadka qaatay Saddexdii Cisho ee u dambeeyey
Hargeysa, 20 October, 2015-(Himilo)- Xarunta dhexe ee Xisbul-xaakimka KULMIYE ayaa waxa Maalintii afraad ka socda qaadashada Kaadhka xubnaha Golaha dhexe ee kala reebaya Musharraxiinta ku loollamaya jagooyinka Madaxweynaha iyo Ku-xigeenka ee Xisbigaas dhex-diisa.
Xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, ayaa marka ay Xarunta dhexe tagaan laga qaadaa Sawir, waxaana markaa ka dib la siiyaa Kaadh u gaar ah Xubnaha Golaha dhexe, isla markaana uu ku yaallo Sawir iyo Magaca Xubinta oo dhammaystiran, kuwaasoo lagu galayo Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE loo muddeeyey tobanka bisha soo socota ee November sannadkan 2015-ka oo muddo labaatan dharaarood ku simini ka hadhsan yihiin.
Kaadhka xubnaha Golaha dhexe oo uu bixinayo Xoghayaha Golaha dhexe Mustafe Maxamed Yoonis (Mustafe-Waxdad), ayaa la bilaabay saddex Maalmood ka hor ama Sabtidii toddobaadkan, waxaana illaa wakhtigaa kaadhadhka qaatay tiro badan oo ka mid ah xubnaha Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE.
Sida ay Saraakiil Xisbiga KUKLMIYE ka tirsani u sheegeen Wargeyska Himilo, waxa Maalintii koowaad ee la bilaabay bixinta kaadhadhka qaatey Xubno tiradoodu dhammayd 107, Axaddiina 45, halka Isniintii shalayna ay Kaadhadhkaas Golaha dhexe qaateen 70 Xubnood, taasoo ka dhigan in illaa hadda tirada guud ka dhigan tahay in la bixiyey 222 Kaadh oo ay qaateen 222 Xubnood oo Golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE ka tirsani, waloow aynaan xaqiijin karin inay yihiin Xubnihii Sharciga u lahaa ee la doortay ama Sharcigu keenay iyo in kale.
Hase-yeeshee, bixinta Kaadhadhka Xubnaha Golaha dhexe ee KULMIYE, waxa diiddan Musharraxiinta ku loollamaya Shirka Golaha dhexe ee KULMIYE intooda badan, kuwaasoo uu ka mid yahay Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe) oo shaaciyey inuu u sharraxan yahay Jagada Maxweynaha ee Xisbigaas.
Xildhibaan Kijaandhe oo dorraad tegay Xarunta dhexe ee KULMIYE oo diiwaangelintaas Kaadhadhku ka socotay, ayaa Warbaahinta u sheegay inaanu qaadan wax kaadh ah, laakiin uu la kulmay hoggaanka Xisbiga. Waxaana xubno ka mid ah hoggaanka oo taabacsan Musharraxiinta ay ka mid yihiin Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Maxamed Biixi Yoonis oo iyaguna jagada Madaxweynaha u taagani ay hore shaki uga muujiyeen bixinta Kaadhadhka Golaha dhexe ee Guddoomiyaha Xisbigu bilaabay.
Hase-yeeshee, Guddoomiye Ku-xigeenka 1-aad ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, oo difaacay bixinta Kaadhadhka, ayaa sheegay inaan cidina wax ka beddeli karin tirada Xubnaha Golaha dhexe. “Muuse iska daayoo Madaxwayne Siilaanyo ayaan hal qof ku deri karin Xubnaha Golaha dhexe.” ayuu yidhi Maxamed Kaahin Axmed.
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment