Thursday, October 1, 2015

Suldaan Sabbeyse & Boqor Raabbi oo Maxkamad la’aan Xabsiga ku jira 15 Cisho iyo Suldaan Maxamed oo Xukuumadda ku canaantay

 

Hargeysa, 1 October, 2015-(Himilo)-  Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa waxaa  ku xidhan Suldaan Mawliid Sabbeyse oo Xukuumaddu xidhay 16-kii bishii hore ee September iyo Boqor Raabbi Yuusuf Cabdillaahi oo maalmo xadhiggiisu ka sii horreeyay.

Xadhigga Suldaan Mawliid Sabbeyse iyo Boqor Raabbi oo xidhan muddo ka badan 14 Maalmood, ayaa waxa xadhiggooda Cambaareeyay Madax-dhaqameed, Siyaasiyiin iyo Aqoonyahanka reer Somaliland, waxaana Xukuumadda loogu baaqey inay xorriyaddooda u soo celiso, maaddaama oo aanay sifo sharci ah u marin, laakiin xukuumadda ayaan dheg jalaq u siinin isla-markaana labada Madax-dhaqameed aan midkoodna weli Maxkamad hor-geynin.

Suldaanka guud ee Somaliland, Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir oo hore uga hadlay xadhiggooda, ayaa shalay mar kale ka hadlay, waxaanu Xukuumadda ku eedeeyay inay iska dhego-tireyso baaqyada Madax-dhaqameedka iyo bulshadu kaga dalbanayaan inay siideyso Madax-dhaqameedka xidhan.

Suldaan Maxamed oo shalay hadal kooban siiyey Telefiishanka HCTV ayaa yidhi; “Berigii hore Salaadiinta lama xidhi jirin, guryahooda looma dhici jirin, laakiin wax kastaaba way ka dhaceen tan (Xukuumadda). Haddiis arrintaa (Xadhigga Madax-dhaqameedka) laga fiirsan waayo talo ayaanu gaadhi doonaa annaguna oo waanu iska celin ciddii sharciga ku gefaysa.”

Suldaan Maxamed oo la waydiiyey faraqa u dhexeeya Puntland oo dhawaan soo deysay muwaadin reer Somaliland ah oo uu Suldaanku ka codsaday iyo Madax adeyga xukuumadda Somaliland, ayaa ku jawaabay; “Xukuumaddu hadday waxba maqli waydo dhego ayaanu u yeeli ay wax ku maqasho.”

Warka Madax-dhaqameedka

Himilomedia

Hargeysa Office

No comments:

Post a Comment