Thursday, October 1, 2015
“Dalku wuxuu u baahan yahay Jiil Dhaqaalaha wax ka fahmaya oo Adduunka la soo shaqeeyay, ee uma baahna Nin Hargeysa fadhiyey, waayo? Qofku hadduu 70 jir gaadho…”
Musharraxa Madaxwaynaha ee Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen
Hargeysa, 1 October, 2015-(Himilo)- Musharraxa Madaxwaynaha ee Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID, Jamaal Cali Xuseen ayaa sheegay in loo baahan in siyaasiyiinta reer Somaliland ee da’doodu weynaatay iska fadhiistaan, si ay kaalinta u soo galaan siyaasiyiinta da’da yar.
Jamaal Cali Xuseen oo shalay ka hadlayey Munaasibad loo sameeyay arday ka qallin-jabiyey Jaamacadda Hargeysa, ayaa sidoo kale sheegay in loo baahan yahay siyaasiyiin adduunka la soo shaqeeyay oo wax ka fahmaya dhaqaalaha adduunka, si buu yidhi shaqooyin loogu abuuro lacagaha Malaayiinta ah ee dadweynaha u yaala Xawaaladaha iyo guryaha.
Aqoonyahan Jamaal oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi; “Odayaasha siyaasadda ku jira waxa la gaadhay xilligii ay fadhiisan lahaayeen, waayo qofku hadduu 70 jir gaadho inuu iska fadhiisto ayaa la qaatey, waayo dalku wuxuu u baahan yahay jiil cusub oo fifircoon, aragtii dheer oo caalamka la soo shaqeeyay, dhaqaalaha wax ka garanaya oo adduunka la soo shaqeeyay.”
Jamaal oo sii hadlay ayaa sheegay; “Waxaan leeyahay nin Hargeysa fadhiyey cidna uma baahna” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey; “Waxa innaga xaniban lacagteenii, siday innooga xaniban tahay?. Maanta Hargeysa waxa taala Xawaaladaha iyo Barkimooyinka hoostooda lacag ilaa 500 milyan ah, waana lacagteenii oo dadka dhex jiifta, lacagteennaa waxa loo baahan yahay in laga shaqeysiiyo oo ay shaqooyin abuurto oo ay dhaqaalaha dalka kobciso.”
Himilomedia
Hargeysa Office
Labels:
Himilo News
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
No comments:
Post a Comment