San Jose, 04 May, 2014 (Himilo)- Masuuliyiinta Xarunta daryeelka bulshada ee Hawaii, ayaa shaaca ka qaaday inaanay weli u ogolaanin inuu aabihii arko wiil dhawaan ku safray taayirka diyaaradda isaga gooshaysay dalka Maraykanka oo uu isku qariyey, ka dib markii aabihii muddo shan maalmood ah sugayay inuu wiilkiisa arko.
Aabaha dhalay wiilkaas oo la yidhaahdo Yuusuf Cabdillahi Cabdi, ayaa maalmo ka dib markii uu arrintan maqlay socdaal ku gaadhay magaalada Honolulu ee caasimadda Hawaii oo diyaaraddu ka degtay, waxaanu halkaas kala kulmay in loo oggolaan waayey aragtida Yaxye Yuusuf oo 15-jir ah, sababo la xidhiidha ka dib markii uu wiilkaasi saraakiisha u sheegay in tallaabada uu ku kacay aabihii sabab u ahaa.
"Ma arki karo. uma ogola aragtidiisa, booqashadiisa ama inuu la hadlo," sidaa waxa yidhi Siciid Mukhtaar oo ay ehel yihiin hooyada dhashay Yaxye.
Afhayeen u hadlay waaxda Arrimaha bulshada ee goolka Hawaii, ayaa qoraal uu Jimcahii soo saaray ku sheegay inaanay bixin doonin xog ku saabsan Yaxye oo xaalado neefsasho la’aan ah loo dhigay cusbitaal ku yaala magaalada Honolulu. "Waaxdu ma bixin doonto xog ku saabsan xaalada Yaxye,” ayaa lagu sheegay qoraalkaas.
Yaxye ayey saraakiishani hayaan ila muddadii ka dambaysay markii laga helay dhabbada diyaaradaha madaarka Maui, isagoo codsanaya biyo, ka dib markii uu gobolka California ka soo raacay diyaaradda oo uu ku soo dhuuntay Taayiradeeda, taas oo miyir-doorsoon ku keentay shan saacadood oo ay hawada ku jirtay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment