“Markuu gurigii tegay ayuu rasaas oodda kaga qaaday, halkaasoo Xaaskiisii oo Carruurta badbaadinaysay ku geeriyootay” – Caaqil Saleebaan Burle
Buuhoodle, 11 May, 2014 (Himilo)- Nin Shacab ah oo hubaysan, ayaa rasaas uu furay ku dilay Xaaskiisii, isla markaana ku dhaawacay laba Gabdhood oo dhalay iyo Wiil dhalinyaro ah oo qoyska Odaygooodu rasaasta ku furay u gurmaday, ka dib markii sida la sheegay uu shalay subax ku kallahay guriga qoyskiisu degganaa meel ka yara baxsan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.
Ninkan oo la sheegay inuu Jaadka ka ganacsan jiray. Caaqil Saleebaan Burle oo Buuhoodle isagoo jooga khadka taleefanka xalay ugu warramay Wargeyska HImilo, ayaa sheegay in ninkaasi dilka iyo dhaawaca geystay Maan-dooriyaha Khamriga uu si aad ah u cabbay habeennimadii, isla markaana isagoo hubaysan ku kallahay shalay subax guriga qoyskiisu ka degganaa magaalada Buuhoodle duleedkeeda. “Ninkani intuu habeenkii oo dhan khamri ku cabbayey magaalada Buuhoodle ayuu aroornimadii ku jarmaaday qoyskiisa oo deggenaa meel magaalada ka baxsan.” Sidaa ayuu yidhi Caaqil Saleebaan Burle.
Caaqil Burle ayaa sheegay inuu ninkaasi qori uu sitay rasaas ka riday Xaaskiisii oo isku deyeysay inay Carruurta badbaadiso ku geeryootay, laba Hablood oo yaryarna ku dhaawacmeen, waxaanu yidhi; “Markuu gurigii tegay ayuu rasaas oodda kaga qaaday, halkaasoo Xaaskiisii oo Carruurta badbaadinaysay ku geeriyootay, laba Hablood uu dhalayna dhaawacyo ka soo gaadheen.”
Ninkan ayaa la sheegay inuu sidoo kale ku dhaawacmay rasaastuu ridayey Wiil dhalinyaro ah oo u soo gurmaday, isagiina Ciidamada ammaanku gacanta ku dhigeen oo uu xidhan yahay. “Rasaastaasi waxa kale oo ku dhaawacmay Wiil dhalinyaro ah oo Jaarka uga soo gurmaday qoyskaas, ninkii dhibaatada geystayna Booliska ayaa gacanta ku dhigay oo xidhay,” sidaa ayuu yidhi Caaqil Saleebaan Burle.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment