Sunday, May 11, 2014

Masuuliyiinta Xisbiga UCID oo Madal lagu sooryeeyay Iskaga Daba-maray Dhaliilaha iyo gal-daloolooyinka Hoggaaminta Siilaanyo




“Axmed-Siilaanyo hadduu Waran uu wax ku dilo lahaa aniguu ahaa, nin SNM ah oo igu qabsan karaana ma jiro. Hadduu Gaashaan uu Warmaha isaga dhigo lahaana anigaa u ahaa. Kamaan tageen 25 sannadood oo Cimrigayga badhkii ah anigoo gaashana u ahaa, haddaan...” Guddoomiye Ku-xigeenka 3-aad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray)                        


“Saddex Mishiin baa Hargeysa loo shidi jiray way bakhtiyeen, dam!…Haddaan isleeyahay 23 sano sidaas ayay ahaanaysaa Somaliland Siyaasad-ba maan galeen ee Carruurtaydaan iska dhaqan lahaa…” Eng. Faysal Cali Waraabe


London, 11 May, 2014 (Himilo)- Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID ee kala ah Guddoomiyaha Xisbigaas Eng. Faysal Cali Waraabe, Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) iyo Musharraxa jagada Madaxweynaha UCID u taagan Jamaal Cali Xuseen, ayaa si adag u dhalliilay gal-daloolooyinka Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo oo ay siyaabo kala duwan uga hadleen dhinacyo kala geddisanna ka eegeen hoggaaminta Madaxweyne Siilaanyo iyo hab-dhaqanka Xukuumaddiisa.


11Waxay Madaxda Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID sidaa ku sheegeen khudbado kala duwan oo dhinacyo badan taabanaya oo ay ka jeediyeen Munaasibad casuumad ah oo loogu sameeyey habeen-hore magaalada London ee waddanka Ingiriiska oo ay saddexda Masuulba socdaal ku joogaan. Iyaga oo Xisbiyahannada UCID iyo Jaaliyadda reer London ee Casuumadda Casho-sharafta ah u sameeyey ay uga xog-warrameen xaaladda dalka gudihiisa ka jirta, hab-dhaqanka siyaasadeed ee Xukuumadda iyo weliba Barnaamijka Xisbiga UCID doonayo inuu dalka iyo dadka ku hoggaamiyo haddii doorashada 2015-ka la filayo inay Somaliland ka qabsoonto ee Madaxtinnimada uu ku guulaysto UCID.


Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee Xisbiga UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray) oo ugu horreyn Munaasibaddaa hadal dheer ka jeediyey, ayaa sheegay inuu Axmed-Siilaanyo gaashaankiisa iyo warankiisa ahaa kala badh cimrigiisa, isla markaana uu si fiican u yaqaanno, balse uu ka sii tabaabushaystay intii aanu hoggaaminta dalka ku guulaysan.


Waxaanu Cali-Guray oo arrimahaas ka hadlayaa yidhi; “Aniga oo qofkii labaad ee KULMIYE noqda ah kamaan tageen, oo 25 sannadood Axmed-Siilaanyo Garab iyo Gaashaan u ahaa. Axmed-Siilaanyo hadduu Waran uu wax ku dilo lahaa aniguu ahaa, nin SNM ah oo igu qabsan karaana ma jiro. Hadduu Gaashaan uu Warmaha isaga dhigo lahaana anigaa u ahaa. Kamaan tageen 25 sannadood oo Cimrigayga kala badhkii ah anigoo Gaashaan u ahaa kamaan dhaqaaqeen hadh cad, haddaanan sii qiyaasin marka uu KULMIYE talada qabto sida uu noqonayo.”


“Maanta inuu UDUB inna xukumo iyo inay KULMIYE yihiin kuwa inna Xukumaa, Cali Waran-cadde ayaa Wasiirka noqon, iyo Cali Xoor-xoor baa Dekedda qaban reer KULMIYOOW waynu is-ognahayoo waxaad ku riyoonayseen maaha. Laakiin, waa nasiib-darro idinku dhacday.” Sidaa ayuu yidhi Cali-Guray, oo sheegay inay Xisbiyahannadii reer KULMIYE ku hungoobeen hoggaaminta Siilaanyo. Waxaanu sheegay in muddadii uu London joogay arkay Rag badan oo Aqoonyahan ah oo Reer Ingiriis ah oo Raggii Xisbiga KULMIYE dhisay, guushiisana gacanta wayn ka geystay, isla markaana is-beddelka dhabta ah doonayey dibedda la dhigay oo aanay hadli karin, tilmaamina karin waxa qalloocan iyagoo arkaya, taasoo uu ku tilmaamay inay sabab u tahay Koox uu sheegay inay talada isku koobeen oo ay isku xidhan yihiin.


Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad ee UCID Cali Maxamed Yuusuf (Cali-Guray), waxa uu sheegay inaanay Guddoomiye-nimada KULMIYE ee Muuse Biixi Cabdi loo daayo aanay ahayn talo KULMIYE, waxaanu yidhi; “Muuse Biixi in Guddoomiye-nimada loo daayaan talo KULMIYE may ahayn, Guddi uu Saleebaan (Guddoomiyaha Guurtidu) hoggaaminayaa baa ka talisay oo Guddi reer ah. Maanta Muuse Biixi waxa la leeyahay maxaad haysaa KULMIYE xoog iyo xininyaba dhigtaye? Guddoomiyahaa la iga dhigay kuma filna reerka. Xaggana qoladii kale Odaygii waa diyaar oo garan waa laba goor baa lagu qaadaye bal doorkan Muuse u daa.”


Cali Guray waxa uu sheegay haddii KULMIYE ku ololayn jiray is-beddel baa loo baahan yahay, inaanay UCID doorashada soo socota taas ku ololayn doonin, isla markaana aanu maanta dalku is-beddel u baahnayn, hase-yeeshee loo baahan yahay in dalka iyo dadka la badbaadiyo oo laga badbaadiyo gud ay ku ridayaan sida uu sheegay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ee Xisbigeeda KULMIYE.


Musharraxa u taagan Jagada Madaxweynaha Xisbiga UCID Jamaal Cali Xuseen oo isaguna Munaasibaddaa habeen-hore hadal ka jeediyey, ayaa sheegay in Musuqmaasuq iyo wax-is-daba-marin badheedh ay ku sifoobeen Masuuliyiin badan oo Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ka tirsan, isla markaana dhaqaalaha la lunsado iyo dhaqaalaha sida qayrul-caadiga ah loo isticmaalaa uu dalka iyo dadka wax weyn u qaban lahaa oo xataa aqoonsi lagu raadin kari lahaa. Sidoo kale, waxa uu Jamaal sheegay inay Xukuumaddu bulshada culays ku saartay cashuuro mar walba la kordhiyo oo keenay sicir-barar iyo inay danyartu quutal-daruuriga iibsan kari waydo, taasoo uu soo jeediyey inay Xukuumaddu wax ka qabato, isla markaana si cilmiyan ah u dejiso cashuuraha ay maalinba kordhinayso.


“Dawladaha dunida waad ogtihiine miyaad aragteen dawlad maalin walba leh maantana wadda heblaayo ayaannu dhagax-dhignay, meel heblaayo ayaannu dhagax-dhignay? Maya, waxay ka hadlaan koboca shaqaalaha iyo heerka shaqo la’aanta iyo sannadkiiba inta la shaqaalaysiiyo.” Sidaa ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen. Waxaanu soo jeediyey in Shirkadaha heshiisyada Shidaalka ay Xukuumaddu la gelayso inay ka deyso qololka madow ee ay kula heshiinayso, isla markaana ay Baarlamaanka soo hordhigto heshiisyada caalamiga ah ee ay gelayso.


Jamaal Cali Xuseen oo ka hadlaya cashuuraha la kordhiyo waxa uu yidhi; “Intaasood cashuurood ayaa afar illaa shan jeer la laban laabay, cashuuraha la laban laabayaa dhaqaale kordhis maaha, dadka dhaawac bay ku keenaan, sicir-barar bay ku keenaan, ee waxa loo baahan yahay in la cilmiyeeyo. Askarigu markuu kontonka dollar qaadanayey Gadbadda Bariiska ahi waxay ahayd 18 Doollar, maantana waad la socotaan, waxa la yidhi Mushaharkii baa laguu kordihyey, wuxu u goynayaana ma jiro.”


“Lacagta la musuqaya iyo ta Wasiirrada soo dhawayntooda iyo kharashkooda ku baxdaa markaan yareeyo Wasiirkiiba waa 15 kun oo Doollar, toban Wasiir marka la isu geeyo kharashka bishii ku baxaa waxay noqonaysaa 150,000 (boqol iyo konton) kun oo Doollar, marka aad xisaabiso waxay noqonaysaa ku dhawaad laba Milyan oo Doollar Ictiraafka innagoo kaga shaqayna oo dalka aqoonsi ugu donna ayaa la qaatay. Ictiraafka haddaan ka hadlo anigu waxaan rumaysanahay laabtuun baynu ka jeclaannay ee aad umaynaan doonin.”


Waxa uu sheegay inaanay Xukuumadda talada hadda haysaa ay meel fog ka raadinayso aqoonsiga, isla markaana waddamada Afrika oo aqoonsiga Somaliland ku xidhan yahay aanay aad isugu hawlin, waxaanu yidhi; “Afrika istaraatiji bay u baahan tahay, waynu samayn karaynaa innagoo dhawr waddan qorshe u samayna oo la kulanna oo Guddi u samayna, Somaliland intaas oo Guddi baa la sameeyey, wax walba Guddi baa loo sameeyey illaa Guddiga Xashiishka ayaa la sameeyey, Guddi Ictiraaf weli maynaan arag. Laakiin, ictiraafkii oo shaygii ugu muhiimsanaa ah Guddi looma samayn.” Jamaal waxa uu ballan-qaaday inay UCID ahaan diyaar u yihiin inay Xukuumadda kala shaqeeyaan aqoonsi-raadinta iyo kobcinta iyo qorshaynta dhaqaalaha, hase-yeeshee, ay nasiib-darro tahay inay Xukuumaddu cadaw ka dhigato Xisbiyada Mucaaridka ah.


Guddoomiyaha Xisbiga UCID Eng. Faysal Cali Waraabe oo gebo-gabadii Xafladdaas ka hadlay, ayaa sheegay in dawladnimadu tahay wax la wada leeyahay, isla markaana ay Somaliland meel fiican marayso, wax badanina ka dhiman yihiin, loona baahan yahay in la kala saaro reeraha iyo dawladnimada oo dawladnimada laga sarraysiiyaa qabiil kasta, balse aanay noqon wax qabaa’illo gaar ahi ku maamulaan inta kale ee wax la leh.


“23 sano ayaynu dawlad nahay, Magaaladeenna Caasimadda ah ee Hargeysa saddex Mishiin oo Laydh baa ka shaqayn jiray, oo laba uu Marxuum Cigaal dhigay, midna Ismaaciil Cumar Geelle inna siiyey baa ka shaqayn jiray isbeer la’aan bay u fadhiisteen oo dam u noqdeen, markaasay ku leeyihiin waddada Ceerigaabo ayaannu dhisaynaa, waar aad dhistaane horta Hargeysa maad Siraaddid? Magaalada Hargeysa saddex meeloowoow laba meelood biyo malaha, boqol iyo afartan Doollar baan ka bixiyaa biyaha bishii waana keligay iyo afar shaqaale ah.” Sidaa ayuu yidhi Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal Cali Waraabe.


Guddoomiyaha UCID Eng. Faysal waxa uu sheegay in wax badani ka dhiman yihiin Somaliland, isla markaana hadduu isleeyahay 23 sano ka dib Somaliland sidan bay ahaanaysaa inaanu siyaasaddaba galeen, waxaanu yidhi; “Waxa la cashuuraa Islaamaha Bacadka fadhiya ee dallaalimada lahayn, waa lagu qayilayaa, Gawsuhu idinka dhece ayaan ku idhi! Waxa weeyaan wax badan baa innaga dhiman, haddaan isleeyahay 23 sano sidaas ayay ahaanaysaa Somaliland Siyaasad-ba maan galeen ee Carruurtaydaan iska dhaqan lahaa. Waan ka xumahay inay sidaa wax yihiin. Haddana dalkii waynu haysannaa waxaynu u baahannahay dawlad wanaagsan iyo caddaalad.”


Faysal Cali Waraabe waxa uu sheegay in Somaliland waxyaabaha ay ku faanto ee dhismeheeda lagu guulaystay ay ka mid ahayd Saxaafadda madaxa-bannaan ee Somaliland ka hana-qaadday, hase ahaatee, ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo cabbudhin, xadhig iyo xayiraad kula kacday, taasina ay tahay ceeb dhaawacday sumcaddii iyo karaamadii ay Somaliland caalamka kulahayd. Waxaanu sheegay in cidda dalku halka uu ku jilib-xidhan yahay sida uu hadalka u dhigay cidda ka dhaqaajin kartaa ay tahay Xisbiga UCID oo ay dadweynaha reer Somaliland u doortaan hoggaamintooda shanta sano ee soo socda.


Himilomedia.com                  


Hargeysa-Somaliland


 


 

No comments:

Post a Comment