Wednesday, May 21, 2014

Madax-dhaqameedka Degmada DHAHAR oo Xukuumadda Somaliland ku Dhaliilay Wada-shaqayn-xumo iyo Wax-tar la’aan




Dhahar, 21 May, 2014 (Himilo)- Degmada Dhahar ee gobolka Badhan ee Somaliland, ayaanay xukuumada madaxweyne Siilaanyo ka fulin wax mashaariic horumarineed oo la xidhiidha arrimaha bulshada, marka laga reebo Maxkamad iyo garoon kubadda cagta ah oo laga hirgeliyey, sida ay Wargeyska Himilo u sheegeen xubno ka tirsan Cuqaasha deegaankaas.


dhaharCaaqil Saxardiid Cali Cumar, Caaqil Aadan Ducaale Warsame iyo Caaqil Maxamed Ibraahim Maxamed oo khadka telefonka kula soo xidhiidhay Xarunta Wargeyska Himilo ee magaalada Hargeysa, ayaa cabasho xooggan ka muujiyey adeeg la’aan dhinacyada adeegyada bulshada oo aan haba-yaraatee ka jirin degmada Dhahar, waxaanay xukuumadda madaxweyne Siilaanyo ku dhaliileen inay ka gaabisay kaalinta kaga waajahan ka-warhaynta xaaladaha nolosha bulshooyinka ku dhaqan deegaamada Bariga gobolka Sanaag, gaar ahaan degmada Dhahar. Iyada oo ku dooday wax-qabad taaban karo oo ay Somaliland ka helaan inay ugu dambaysay labadii xukuumadood ee ka horeeyey Xisbiga Kulmiye.


Caaqil Saxardiid Cali Cumar oo ugu horeyn ka hadlay, tabashada ay deegaan ahaan ka tirsanayaan xukuumadda, ayaa yidhi, “Intii ka dambaysay labadii madaxweyne ee hore, xukuumaddan weli imaanaan Kulmin, dawladda ayaana laga rabay inay gaadho umadda iyo gobollada iyo dhulkeeda.”


Isaga oo hadalkiisa sii watay , waxa uu Caaqilku yidhi, “Waxaanu tabaynaa adeegyada bulshada oo dhan; caafimaadka, waxbarashada, biyaha nadaafadda. Gobolkuna (Badhan) wuxuu la mid yahay gobollada kale iyo horumarka ka socda ee waddooyinku ka mid yihiin, markaas waxyaabahaas oo dhan baa ka mid ah wax aanu tabayno.”


Caaqil Aadan Ducaale Warsame, ayaa sheegay inaanay shacabka degmada Dhahar ka helin xukuumadda Kulmiye rejadii ay markii hore ka filayaan, waxaanu yidhi, “Shacabka reer Dhahareed waxay ka cabanayaan Maamulka oo halkii ay ka filayeen u soo gelin. Abaarihii dhacay waxa loogu sigtay biyo-la’aan oo ay ceelashii gudheen oo dad duunyaba dhibaato badan ay soo gaadhay. Cigaal iyo Rayaale Intii ka dambaysay ee uu Kulmiye qabsaday dadkani kamay helin xuquuqdii ay dawladda ku lahaayeen.”


Caaqilka oo la weydiiyey haddii ay jiraan ballan-qaadyo xukuumaddu u samaysay  iyo sababtay ay cabashadooda ugu gudbin waayeen masuuliyiinta xukuumadda ka tirsan ee deegaankaas ka soo jeeda, waxa uu ku jawaabay, “Ragga deegaanka u dhashay ee maamulka k atirsani way noo yimaaddaan, waxay na yidhaahdaan waxbaanu qornay oo aanu dawladda u gudbinay, hadalkaas mooyaane wax kale kama hayno. Markaa haddaanu nahay Cuqaasha degmada Dhahar, waxaanu doonaynaa xuquuqdii aanu dawladda ku lahayn. Miyaa nala illaaway, ma dawladdaa shaqadeedii ka gaabisay? Si ay wax yihiin ma garanayno,” ayuu yidhi Caaqil Aadan Ducaale.


Mar la weydiiyey inay jiraan mashaariic Xukuumaddu ka fulisay degmada Dhahar, waxa uu ku jawaabay, “Intii uu Kulmiye talada qabsaday wax mashaariic ah waxa naga soo gaadhay Maxkamad iyo garoon kubadda Cagta ah oo lanoo sameeyey,” ayuu yidhi Caaqilku.


Degmada Dhahar oo ka tirsan gobolka Badhan, ayaa k amid ah deegaannada ku yaala Bariga Fog ee Somaliland, waana magaalo ku taallo dhul istaraataji ah oo 15 KM dhinaca Galbeed ka kulaalaysa xuduudka ay Somaliland la wadaagto maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya, waxaanay masaafo dhan 250 KM dhinaca Koonfur-Bari ka xigtaa magaalo-madaxda gobolka Sanaag ee Ceerigaabo oo maamul ahaan ay hoos-tagi jirtay ka hor intii aanay xukuumaddii UDUB ee madaxweyne Daahir Rayaale deegaannada Bariga Sanaag u magacaabin gobolka Badhan.


Caaqil Maxamed Ibraahim, ayaa isagu ka hadlay wada-shaqaynta ka dhaxaysa xukuumadda madaxweyne Siilaanyo oo uu dhalliilay, gaar ahaan masuuliyiinta dawladda ee deegaankaas ka soo jeeda oo uu sheegay inay aad ugu liitaan xidhiidhka iyo wada-shaqaynta dhinaca madax-dhaqameedka gobolkaas.


Himilomedia.com                                                                  


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment