Hargeysa, 21 May, 2014 (Himilo)- Xukuumada Somaliland, ayaa sheegtay in khubaro u dhashay dalka Shiinahu kharash la’aan ugu sameeyeen warbixitii qorshaha samaynta jidka Ceerigaabo, balse aan laga maalgelin doonin dhismaha waddadaa Sanduuqa horumarinta Somaliland, shuruudaha ay ku xidheen awgeed.
Wasiirka Qorsheynta Qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shire oo Wargeyska Himilo weydiiyey in Sanduuqa horumarinta Somaliland laga maalgelin doono samaynta waddada isku xidha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Burco ee gobollada Sanaag iyo Togdheer, ayaa ku dooday inaan dhaqaalaha Sanduuqaas ku jira iyo ka ku soo dhici doona toona laga maal-gelinn doonin kharashka dhismaha jidkaas.
Waxa uu Wasiirka Qorshaynta oo su’aasha arrintan Wargeyska Himilo ka weydiiyey ka jawaabayaa yidhi; “Maya. Maxaa yeelay? Qolyaha dhaqaalaha ku shuba Sanduuqan waxay soo jeediyeen inay marka hore bixiyaan dhaqaalihii ku baxayey diyaarinta qorshaha samaynta jidka (feasibility study), oo khubaro u dhashay dalka Shiinuhu kharash la’aan noogu sameeyeen.”
Wasiir Sacad Cali Shire oo la weydiiyey inay u gudbiyeen maal-gelinta waddadda Ceerigaabo, balse ay diideen iyo inkale waxa uu ku jawaabay; “Waan u gudbinnay, qeyb baa kaga jirtay ay ku baxayso diyaarinta qorshihii samaynta waddadda. Laakiin, markaannu hellay khubaro Shiine ah oo kharash la’aan noogu samaynsa lacagtii meel kale ayaan u adeegsannay.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment