Dacwaddan loo Haysto Mulkiilaha Tv-ga Universal ayaa muddo saddex sano ah ka Socotay Gudaha Somalia, gaar ahaan Caasimadda Muqdisho.Maxkamadda Gobolka Banaadir oo gal-dacwadeedku ka furnaa ayaa dhawr jeer looga yeedhay Axmed Abuubakar Mubaarak, balse arrintaas waa uu ka dhega adaygay sida ay sheegtay, waxayna dacwaddu u gudubtey Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir, oo iyaguna dhawr jeer u yeedhay.
Maxkamadda ayaa sheegtay in Mubaarak aanu dhowrin Qoraalka maxkamadda ka soo baxay, lana soo xdhiidhin Xafiiska Garsoorka, si uu u garbaxo.
Arrintaas waxay dhalisay in Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ay soo saarto Qoraal baafin ah oo ay ku baafinayso Axmed Abuubakar Mubaarak meel kasta oo uu joogo gudaha Soomaaliya iyo dibaddaba.
Qoraalka ayaa lagu Qoray: "Maxkamaddu waxay ku amraysaa Axmed Abuubakar in uu maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir ku horyimaado muddo 30 maalmood oo ka bilaabanaysa 04/05/2014 kuna eg 06/06/2014, iyadoo la faray Axmed Abuubakar in uu dhawro yeedhista loo yeedhay."
Baafinta waxaa ku saxeexan Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Dr. Xasan Maxamed Cali (Wariiri).
Halkan laguma Sheeegin waxa ay daarran tahay Dacwaddani, balse waxa jirey muran dhinaca Hantida ah oo u dhexeeyey Mulkiilaha iyo dad kale oo soomaali ah, taas oo markii dambe gaadhay heer Maxkamdadeed inkastoo aan wali natiijo la soo saarin.
No comments:
Post a Comment