Ninkan oo aan shaacin magaciisa balse da’adiisa lagu sheega 34-sano, ayaa laga qabtay shalay khamiistii magaalo ku taalla duleedka caasimadda Kuala Lumpur oo lagu magacaabo Selangor.Mid kamid ah wargeysyada ugu caansan dalka Malaysia oo daabacay warbixintan oo soo xiganaya saraakiil ka tirsan Booliska ayaa ku sheegay ninkan in ay raadinayaan Booliska adduunka ee Interpol, isla markaana loo haysto kiisas la xidhiidha argagixiisnimo.
Ninkan ayaa sidoo kale loo Haystaa inuu ku Lug lahaa Weeraro Argagaxiso oo lagu qaaday Goobo ku yaalla Dalalka Afriga. Gaar haan Bariga.
Booliska ayaa sidoo kale sheegay in xubno ka tirsan kooxda al-Shabaab ay si dhuumaleysi ah kusoo galaan wadanka iyagoo iska dhigaaya arday iyo dalxiisayaal.
Taliye ku-xigeenka Booliska Datuk Seri Maxamed Bin Bakri ayaa wacad ku maray in ay sidoo kale gacanta kusoo dhigi doonaan xubnaha kale ee al-Shabaab oo la aaminsan yahay in ay ku sugan yihin gudaha wadanka.
Dalka Malaysia waxaa ku nool Soomaali ka badan 2000 qof oo ay u joogaan siyaabo kala duwan, balse u badan yihin arday wax ka barata jaamacadaha ku yaalla wadanka.
Ma jirto cid aan ahayd dalka mayalsia oo ka hadashay Qabashada Ninkan, Dawladda Somalia-na wali wax war ah kama ay soo saarin sheegashada Malaysia.
No comments:
Post a Comment