Thursday, May 1, 2014

Somaliland oo markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inaanay 23-ka sano ee ay jirtay wax ka badan sii sugu kari aqoonsiga caalamku ka hagraday




Garyaqaanno heer caalami ah oo Somaliland u yimi inay kala shaqeeyaan helitaanka aqoonsi buuxa oo Madaxweynaha la kulmay


 


Hargeysa, 01 May, 2014 (Himilo)- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii ugu horreysay shaaca ka qaadday inaanay muddada 23-ka sano ah ee ay aqoonsiga sugaysay wax ka badan sii sugi karin, isla markaana aanay aqoonsi la’aan ku sii jiri karin. Waxaanay sidaa daraaddeed xidhiidh la samaysay Khobaro kala duwan oo ku xeel-dheer hawlaha ictiraaf-raadinta iyo helitaanka aqoonsiga dalalka.


madaxweynaha  iyo weftiga koonfur afrikaMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa shalay kulan la yeeshay Garyaqaanno la sheegay inay ku xeel-dheer yihiin raadinta aqoonsiga dalalka iyo waddooyinka loo maro, isla markaana Somaliland kala shaqayn doona helitaanka Ictiraaf ay beesha caalamka uga hesho si dhaqso ah.


Kulanka dhex-maray Madaxweynaha Somaliland iyo Xubnaha ka socda Urur Garyaqaanno ah oo fadhigiisu yahay waddanka Koonfurta Afrika oo aanay Saxaafaddu goob-joog ka ahayn, waxa haddana qoraal kooban oo Madaxtooyada ka soo baxay lagu sheegay in Madaxweynuhu Weftigaas Garyaqaannada ah ku qaabbilay Xafiiskiisa, isla markaana uu uga mahad-celiyey hawsha aqoonsiga ee ay Somaliland kala shaqayn doonaan sidii ay mar uun u noqon lahayd dal ka mid ah waddamada caalamka ee la aqoonsan yahay.


Hase-yeeshee, markii kulankaasi dhammaaday waxaa Warbaahinta uga warbixiyey Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis, oo sheegay inay muddo badan oo 23 sano ah Somaliland rejaynaysay aqoonsi ay caalamka ka hesho, balse aanay weli helin, isla markaana ay adag tahay inay sii sugaan wakhti intaa ka badan oo ay Somaliland aqoonsi la’aan ku sii jirto.


madaxweynaha  iyo weftiga koonfur afrika. 2“Waxaa maanta (Shalay) halkan noogu yimi Wefti aad u qiimo weyn oo ka socda Koonfur Afrika, Weftigan oo aanay markii ugu horreysay ahayn intooda badan ee ay dalka hore u yimaaddeen intooda badani. Afar nin oo noogu yimi inay Somaliland ka hadlaan sidii looga caawin lahaa qaddiyadda ictiraaf-raadinta iyo aqoonsiga, aqoon badanna u leh oo nala eegaya sidaan arrinkaa u dedejin lahayn, waayo 23 sano ayaynu sugaynay, mana sugi karno intaas wax ka badan. Markaa, waxaan ka wadahadlaynay dariiqyada aan u marayno arrinkaas (Aqoonsiga Somaliland.” sidaa ayuu yidhi Wasiir Maxamed Biixi.


Sidoo kale mid ka mid ah Xubnaha Garyaqaannada ah ee reer Koonfur Afrika oo halkaa ka hadlay, ayaa sheegay inuu Somaliland 2003-dii yimi, isla markaana ay dadka reer Somaliland yihiin dad sharaf iyo qaddarin badan oo shaqo adag ka qabtay dalkooda, sameeyey-na horumar muuqda oo la taaban karo. Balse nasiib-darro, aanay weli beesha caalamka ka helin aqoonsi buuxa oo ay la’aantii reer Somaliland wax badan qabsadeen, balse inta ka dhimani tahay inta uu aqoonsigu kala maqan yahay.


Waxa uu Garyaqaankaas u hadlay Xubnaha Garyaqaannada ah ee shalay Hargeysa yimi, in ay iyagu hadda diyaar u yihiin inay Somaliland si aad ah ugala shaqeeyaan helitaanka aqoonsi buuxa oo ay dunida ka hesho, isaga oo sheegay inay rabitaanka bulshada reer Somaliland, dedaalka ay dawlad iyo shacabba ka muujiyeen dhinacyada horumarka kala duwan iyo nabadgelyada u bandhigi doonaan guud ahaan beesha caalamka ee ay arrinta aqoonsiga Somaliland khusayso iyo kuwa danaynaya inay Somaliland hesho Ictiraaf buuxa.


Waa markii ugu horreysay ee Masuul ka tirsan Xukuumadda Somaliland uu sidan oo kale shaaca uga qaado inaanay Somaliland wax ka badan muddada 23-ka sano ah ee ay jirtay sii sugi karin aqoonsiga ay Beesha caalamku ka hagratay, iyada oo buuxisay Shuruudaha aqoonsiga ee ay sannadihii hore dunidu ku xidhi jirtay inay ka soo baxdo oo ay ka mid yihiin nidaamka dhismaha dawladnimo dhammaystiran oo ay buuxisay, nidaamka hirgelinta dimuquraaddiyadda iyo doorashooyin xor iyo xalaal ah oo ay hirgelisay iyo qodobbo la mid ah oo ay dhammaystirtay.


Himilomedia.com                  


Hargeysa-Somaliland


 


 


 


 

No comments:

Post a Comment