Thursday, May 1, 2014

Soomaaliya oo loogu baaqay inay Xoreyso Gobollada Jubbooyinka ee Kenya la wareegtay




Kismaayo, 01, May, 2014-(Himilo)- Korneyl Cabdillaahi Cabdi Isaaq oo ka tirsan Saraakiisha Ciidammada dowladda ee Jubbooyinka, ayaa sheegay Kenya inay caddeysatay gumeysigeeda ku waajahan in ay la wareegto gobollada Jubbooyinka ee Koonfurta dalka Soomaaliya oo ay Ciidammo hore uga joogeen, isla markaana Salaasadii dorraad ay Qunsul u soo magacawday dawladda Kenya, ka dib markii ay isku dhaceen dhiggeeda federaalka Soomaaliya oo Safiirkeedii Nairobi uga yeedhay, tallaabadaas maalin ka hor.


KenyaKorneylka, ayaa sheegay in tallaabada Kenya Qunsulka ugu soo magacawday Jubbooyinka, ay tahay bilowga gumeysi cusub oo doonayso inay geliso gobollada Koonfurta Soomaaliya qaarkood. “Soomaaliya, Soomaali baa iska leh, Kenya malaha Soomaaliya, waxay dooneysaa inay ka faa’iideysato kala daadsanaanta dadka Soomaaliyeed, oo qabiil ku mashquulay.”  ayuu yidhi Kornayl Cabdillaahi Cabdi Isaaq.


Waxa uu Kornayl Cabdillaahi Cabdi Isaaq, ayaa sheegay in tallaabada ay Kenya qaadday ahayn mid u danaynaysa qabiil gaar ah haddii ay dadka qaar sidaas u arkaanna aanay ahayn ee ay tahay tallaabo ay ku wiiqayso guud ahaan ummadda Soomaaliyeed iyo dalkeeda, waxaanu yidhi; “Waxaan maaha wax khuseeya qabiil ama dad gaar ah waa wax khuseeya Soomaali oo dhan, meel kastaba ha jooggaanee, waa inay ogsoonaadaan in Kenya inagu heysato dhulkeenii.”


Wuxuu dhambaal u diray dadka Soomaaliyeed oo dhinac kastaba leh in loo joogsado, sidii looga hortaggi lahaa gumeysiga ay Kenya dooneyso, in ay kula wareegto Gobolada Jubbooyinka ee Soomaaliyaa. “Siyaasiyiinta waxaan ugu baaqayaa in arrintaan ka dhiidhiyaan oo meel kasta ka fariistaan, Kenya waxay dooneysaa in waqtigaan oo la jooggo 2014-ka gumeysi ku qabsato dal madax-bannaan.” Sidaasi waxaa yiri Korneyl Cabdillaahi oo la hadlay Warbaahinta.


Kornayl Cabdillaahi Isaaq waxa uu sheegay inaanu Maamul Juba-land la yidhaahdo oo ka taliya Kismaay aanu jirin ee uu cadaw gacanta ku hayo, isla markaana loo baahan yahay in cadawga qabsaday laga xoreeyo gobollada Jubbooyinka, waxaanu yidhi; “Waa nasiib-darro in Jubbooyinka nalagu qabsado, wax la dhaho Maamulka Jubba kama jiro Magaalada Kismaayo, Kismaayo waxaa heysta cadow, waana in lala dagaallamaa.”


Himilomedia.com                  


Hargeysa-Somaliland


 

No comments:

Post a Comment