Hargeysa, May 10, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Ururka Saxafiyiinta Somaliland ee SOLJA Xasan Maxamed Yuusuf, ayaa ka Hadlay Xadhiga Maanta Hargeysa Loogu geystay Masuuliyiintii wargeyska Haatuf.Xasan Maxamed Yuusuf, waxa uu sheegay inay khalad tahay in marka horeba la xihdo Meherad sharci ah oo shaqaynaysa iyadoo aanay soo bixin wax natiijo ah oo dacwadooda la xidhiidha.
Guddoomiye Xasan oo u warramayey Idaacadda VOA-da ayaa xadhigan maanta ku tilmaamay mid aanay manaba filanaynin, “Arrintani waxay daba Socotay Xayiraadii Wargeyksa Haatuf hore-na waanu uga Hadalnay oo war-saxaafadeed baanu ka soo saarnay, Marka hore waxanu qalad u arkaynay in Dacwadda uu xadhigu ka soo horreeyo, Maantana waxanu Sugaynay inay Dacwaddu socoto Marka Xukunku dhaco Haddii dambi lagu Helana La Xidho, Xadhigan Maantana waxanu u aragnaa mid aan meesha qabanin.” Ayuu yidhi Xasan Maxamed Yuusuf.
Xasan Maxamed Yuusuf waxa uu xusay inaanay Marnaba urur ahaan diidanayn in Saxaafadda Kiiskeeda la qaado, balse ay codsanayaan in kiiskooda loo maro sharciga saxaafadda.
Waxa kale oo uu sheegay inay wali garsoorka Kalsooni ku qabaan oo ay filayaan ugu dambaynta uu soo saaro xukun dhexdhexaad ah oo lagu qanci karo, maadaama ay Garsoorku dhex u yihiin Fulinta iyo Saxaafadda.
Xasan Maxamed ayaa Hadalkiisani imanayaa xilli maxkamada Gobolka Hargeysa ay Rumaan Toddoba cisho ah u dirtay Guddoomiyihii Wargeyska Haatuf iyo waliba Tifaf-tirahiisii oo haatan ku xidhan xabsiga dhexe ee Hargeysa.
Himilo
Hargeysa Desk
No comments:
Post a Comment