Sunday, August 31, 2014

Faro-gelinta Dawladda Somalia ku hayso gudaha Somaliland oo madow-madow gelisay sii-socoshada wada-hadalladii u dhexeeyay labada waddan

“Waa dagaal aad warbaahinta ku qirateen inaad qayb ka tihiin waxa ka socda bogcadda Saax-dheer iyo In Cali Khaliif kuwa dabada ka soo riixaya ee Odaygaa wayn khal-khaliyey” Wasiir Cukuse

Hargeysa, 31 August, 2014 (Himilo)- Dawladda Soomaaliya, ayaa dorraad ka hadashay tallaabada ciidamada Somaliland kula wareegeen magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool oo la doonayey in lagu qabto xaflad lagu xaleemo saarayo Prof Cali Khaliif oo loo doortay hoggaamiyaha kooxda Khaatumo oo taageero ka helaysa dawladda Soomaaliya.
CukuseKa-hadalka Soomaaliya ee tallaabada Ciidamadu kula wareegeen Saax-dheer, ayaa daboolka ka qaadday qorsheyaal siyaasadeed oo dawladda Xasan Sheekh Maxamuud qalalaase kaga abuurayso gudaha Somaliland, sida ay ku doodayso xukuumadda Somaliland oo aamisan in taageerada Soomaaliya u fidisay Cali Khaliif Galeydh ay meesha ka saaray heshiiskii u dhexeeyey iyo wada-hadalladii u socday labada waddan.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) isla markaana ah afhayeenka xukuumadda, ayaa dawladda Somalia ku eedeeyey faro-gelin siyaasadeed oo ay ku soo xad-gudbeen deegaamo ka tirsan Somaliland, ka dib markii diyaarado sidey xildhibaanno ka tirsan dawladdaas oo ka qayb-galay caleemo-saarka Cali Khaliif ka soo degeen magaalada Buuhoodle.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sheegay in tallaabada dawladda Soomaaliya ku taageertay Kooxda Cali Khaliif ay meesha ka saartay heshiis u dhexeeyay isla markaana ay dhaawac gaadhsiisay wada-hadalladii u socday labada waddan. Wasiirku waxa uu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay Dhiggiisa dawladda Soomaaliya Mustaf Dhuxulow oo cambaareeyey go’aanka ay ciidamada Qaranka Somaliland kula wareegeen gacan-ku-haynta magaalada Saax-dheer ee gobolka Sool.
Cabdilaahi Maxamed Daahir oo shalay war-fidiyeennada kula hadlay xafiiskiisa, waxa uu yidhi, “Waxaanu leenahay, waa jabiseen heshiiskii inoo dhexeeyay, wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyeyna waxa uu noqday mid dhaawacmay, markii uu Dhuxulow (Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya) ku dhawaaqay inuu ka hadlo qayb ka mid ah Somaliland. Markii aad Muqdisho xildhibaanno ka soo dirteen, markii aad u soo dirteen inay Somaliland gudaheeda ku shiraan, markii aad u soo dirteen inaad Somaliland gudaheeda khal-khal gelisaan, waxa annagana noo muuqata in wada-hadalkii Somaliland iyo Soomaaliya u dhexeeyey dhaawacmay.”
Wasiirka Warfaafinta Somaliland oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Waxaanu leenahay Soomaaliya, haddii ay idin deeqdo nabaddii aanu idinkula noolayn dhinaca warbaahinta iyo dhinaca milatarigaba, annagu diyaar baanu u nahay, laakiin waxa muuqata in xildhibaannadiinii oo diyaarado saarani qayb ka mid ah Somaliland yimaaddeen. Waa dagaal aad iclaamiseen, waa dagaal marka dambena aad warbaahinta ku qirateen ood ku caddayseen inaad qayb ka tihiin waxa ka socda bogcadda Saax-dheer iyo In Cali Khaliif kuwa dabada ka soo riixaya ee Odaygaa wayn khal-khaliyey tihiin waa wax caddaan ah oo muuqata,” ayuu yidhi Md Cukuse.
Wasiirka Warfaafinta Somaliland waxa kale oo uu ka hadlay dhawaaq ka soo yeedhay Bulshada Caalamka oo Somaliland u soo jeedisay inay ciidamada kala baxdo Saax-dheer. “Annagu waxaanu maanta iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka daahan tahay u sheegaynaa dalkayaga gudihiisa meel ka mid ah cid nagala talin kartaa ma jirto, dalkayaga gudihiisa waxaanu ka yeelanaynaa iyo sida nabaddiisa ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida aanu u ilaalinayno, kala tashan mayno qof aan dadkayaga iyo dalkayaga ka mid ahayn,” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.
Himilomedia
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment