Sida ay noo xaqiijiyeen masuuliyiin ka tirsan xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Dr Fadal waxa uu is-casilaaddiisa ku shaaciyey qoraal uu u gudbiyey madaxda xisbiga, waxa uu is-casilaaddiisa ku sababeeyey inay la xidhiidho Arrimo shakhsi ah oo uu xusay inay saamayn ku yeesheen hawlihii iyo masuuliyaddii uu xisbiga u hayay. Balse waxa uu meesha ka saaray inay jiraan wax khilaaf ah oo uu shaqada iyo xubinimada xisbiga uga tagay.Dhinaca kale, Dr Maxamed Cismaan Fadal oo aanu dhankiisa isku daynay inaanu la xidhno si aanu wax uga weydiinno sababaha wakhtigan ku soo beegay inu iska casilo xubinimadii iyo xilkii uu ka hayey xisbiga, nooma suurta-galin inaanu helno ka dib markii uu naga qaban-waayey Telefonkiisa oo aanu ka wacnay.
Dr Maxamed Cismaan Fadal ayaa ka mid ah siyaasiyiiinta Xisbiga ugu cad-cad dhinaca mucaaraddada ee inta badan ka hadli kari dhaliilaha xukuumadda, haseyeeshee lama garanayo nooca shaqada ka mashquulisay hawlihi uu xisbiga ka qabanayey, inuu noqon doono siyaasi madax-bannaan iyo inuu isaga baxo saaxadda siyaasadda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment