Saturday, August 23, 2014

Hargeysa: Xarun lagu Xannaanaynayo Carruurta Agoomaha oo la Dhagax-dhigay

Hargeysa, 24 August, 2014 (Himilo)- Marwada Madaxweynaha Somaliland Marwo Aamina Maxamuud Jirde iyo Maayarka caasimadda Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco), ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay xarun loogu talo-galay xannaanaynta ubadka yaryar ee agoonta ah.
OLYMPUS DIGITAL CAMERAMunaasibad dhagax-dhigga xarunta loogu sameeyey beer ku taal degaanka Xeedho ee Waqooyiga Hargeysa oo laga hirgelinayo dhismaheeda, kana qaybgaleen masuuliyiin ka kala socday Wasaaradaha Waxbarashada iyo Diinta, Madaxtooyada, xildhibaanno ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, culimaa’udiin ka mid ah kuwa dalka iyo madaxda hay’adda Al-Najax oo fulinaysa mashruucan iyo marti sharaf kale, waxa lagaga dhawaaqay in xaruntan oo ah mid ay dhaqaalaha ku baxaya bixinayso dawladda Kuwait loogu talogalay carruur fara badan oo agoomaha dalka ka mid ah si waxbarasho iyo hoyba ay ugu noqoto.
Sheekh Axmed Cabdisalaan Aadan (Axmed-iid) oo ka mid ah hay’adda Al-Najax ee hirgelinaysa mashruucan, ayaa hadal uu furitaankii xafladdaasi ka jeediyey kaga warmay xaruntan oo uu xusay inay noqon doonto meel daryeel iyo xannaanayn loogu samayn doono agoon fara badan oo ka faa’iidaysan doonta, waxaannu yidhi, “Mashruucan qiimaha badan inoogu fadhiya oo dadkeenna, dalkeena iyo dawladeennaba dan u ah, waana mashruuca xannaanada ama tixgelinta iyo daryeelka carruurta agoonta ah ee jilicdasan, waa mashruuc ay maalgelinayso dawladda Kuwayt, waxaana fulinaysa hay’adda Islaamiga ah ee Al-Najax, mashruucan waxa loogu talogalay dhawr boqol oo agoomo ah lagu xareeyo oo lagu xannaaneeyo, waxbarashadooda iyo hoygoodana lagu daryeelo, lagana faa’iidaysto oo uu noqdo mid waxtar u soo kordhinaya bulshadeena. Agoonta iyo waxtarkeedu diinteena qiimo weyn ayuu ku leeyahay.”
Maayarka caasimada Hargeysa Md. Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) oo isna xafladda ka hadlay, ayaa hambalyeeyey dhismaha xaruntan iyo cidda bixinaysa kharashkeeda ama ka soo shaqaysay, waxaannu ammaanay qoyska bixiyey dhulka laga dhisayo, isagoo u soo jeediyey dadka leh beeraha inay iska gooyaan dhulka danta guud ah ee ku waajibtay.
“Dhulka danta guud ee ah dawladdu ka goyso dhulka ay dadku leeyihiin waxa loogu talogalay in laga dhiso waxyaabaha danta guud ah sida dusgiyo, garoomo ciyaareed, sariibado, saldhigyada booliska, istaanada basaska, markaa dadweynahana waxaan leeyahay waa inaad bixisaan intii laydinku yidhi bixiya si loogu hirgeliyo hawlahaasi. Agoomaha inaynu aad ugu naxariisano weeyaan, waxaana iminka socda mashruucii hore oo ay maalgelinayso dawladda Kuwait, kaas oo laga dhisayo bariga magaalada Hargeysa,” ayuu yidhi Maayar Soltelco.
Marwada Madaxweynaha Somaliland Aamina Maxamuud Jirde oo soo xidhay xafladdaasi, ayaa sheegtay in xukuumad ahaan garabtaagan yihiin wax-u-qabashada carruurta agoonta ah, iyadoo ka war-bixisay waxqabadka agoomaha intii ay jirtay xukuumadda KULMIYE, waxaanay tidhi, “Isku sheegi mayno masuuliyadda inaga saaran agoomaheena, waxaana sharaf iyo mudnaanba mudan culimada is urursatay ee ururka Najax ee saxiibadeena dawladda Kuwayt ka mid tahay galiyey dareenka inay caawimo ina siiyaan, dawladda Kuwayt shacabkeeda, culimadeeda iyo masaajideeda oo aannu mashruucani ahayn kii ugu horreeyey ee ay inaga caawiyaan aad ayaan ugu mahadnaqayaa. Waxaan qirayaa intii dawladdani timi inaynu aad ugu soo jeedsanay xarumo badan oo agoomaha lagu xannaaneeyo, markii afar sanno ka hor ay dawladdani waddanka qabsatay toddobaad kadib ayaan tagay xarunta agoomaha, waxaana ka muuqatay dayac aad u badan, waxyaalaha aannu u qabanayna waxa ugu muhiimsan inaanu sugnay dhulkii xarumta agoomaha, dhismaha gurigii afraad oo iminka socda iyo daryeel badan oo loo sameeyey.”
Sidoo kale waxa munaasibaddaasi hadallo ka jeediyey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Maxamed Xasan Ibraahim, Isu-duwahaha Gobolka Maroodi-jeex ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sheekh Maxamed Ibraahim, Xildhibaan Cabdi Cali oo ka tirsan Golaha Degaanka Hargeysa, Sheekh Cabdillaahi Cabdi Cali (Makaawi), Suldaan Ibraahim Sulub iyo Muwaadin Jaamac Cali Guuleed oo ka tirsan qoyska bixiyey beerta laga dhisayo xaruntan agoomaha lagu xannaanaynayo, kuwaas oo dhammaantood soo dhaweeyey dhismaha xarunta loogu talogalay daryeelka iyo xannaanaynta carruurta agoonta ah.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

 

No comments:

Post a Comment