Saturday, August 30, 2014

Somaliland Oo Jawaab Ka Bixisay Bayaankii Reer Galbeedku kasoo Saareen Tallaabadii Ciidanka Qaranku Kula Wareegeen Deegaanka Saaxdheer

Hargeysa:Aug,30,2014(Himilo)-Xukuumadda Somaliland ayaa Markii ugu horraysay Ka Hadashay Hadallo kasoo yeedhay Dhigeeda somalia, Qaramada Midoobay, Maraykanka iyo Midowga Yurub oo la Xidhiidha Weerarkii Ciidanka qaranku kula wareegeen Deegaanka Saax-dheer.

gudhaWasiirka Warfaafinta Somaliland Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo maanta warbaahinta la Hadlay ayaa sheegay in Hadalladan dhawaan Somalia kasoo baxay iyo qaar hore uga soo bixi jireyba ay Baalmarsan yihiin Heshiishkii socday ee Labada dhinac hore u dhigteen, kaas oo salka ku Hayey wada-hadalladii Turkiga ka socday.

“Annagu maanta waxaanu Iclaaminaynaa oo qof kasta oo ay ka Daahan tahay u sheegaynaa oo qof kasta oo madmadaw kaga jiro ama ka daahan tahay ama riyoonaya u sheegaynaa, Somaliland waa Somaliland. Dalkayaga meel ka mid ah oo Cidi nagala talin kartaa ma jirto.Dalkayaga gudihiisa waxaanu ka yeelayno iyo nabaddiisu siday ku sugmayso iyo qaranimada Somaliland sida loo adkaynayo kala tashan mayno qof aan dalkayaga iyo dadkayaga midna ahayn oo dibadda ka jooga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Wasiirku waxa uu Masuuliyiinta Somalia ku eedeeyay inay dabada ka riixayaan Cali Khaliif oo dhawaan loo doortay Hogaamiyaha Kooxda Khaatumo “kuwa Cali Khaliif dabada ka riixaya ee Odaygaa wayn Khal-khalinaya inaad idinka tihiina waa wax caddaan ah oo muuqata” ayaa ka mid ahaa hadalka wasiir Cukuse.

Wasiirku waxa uu jawaab ka bixiyay hadal Wakiilada Qaramada midoobay,Maraykanka iyo Midawga Yurub Somalia u joogaa ku dalbadeen in Somaliland ciidankeeda dib uga soo saarto Saax-dheer

“waxaanu leenahay Xuduuddayada Baac ka mid ah oo aanu dib uga soo noqonaynaa ma jirto inaanu hore ugu sii socono halkaanu joogno mooyee, Somaliland na jiritaankeedu wuu sugan yahay, dalkayaga iyo dadkayaguna wuu isku kalsoon yahay. Waxaanu ku kalsoonahay Cududda Militarigayaga iyo dalkayaga” ayuu yidhi Wasiir Cukuse.

Hadalkan xukuumadda Somaliland ka sheetay weerarka Deegaanka Saax-dheer, ayaa Jawaab u ah Hadallo hore qaramada midoobay, Midowga Yurub, Maraykanka iyo Somalia uga soo baxay oo ay ku diidanaayeen Duulaankii ciidanka qaranka.

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment