Saturday, August 30, 2014

Guddoomiyaha UCID oo si adag uga hadlay faro-gelinta Beesha Caalamka ee tallaabada Saax-dheer, Xukuumaddana taageeray

“Beesha caalamku markay ku guul-darraysteen Soomaaliya inay annaga shaqo naga dhigtaan maaha... Tufaaxa Xabbadda xun baa la iska tuuraa….” – Faysal Cali Waraabe

Hargeysa, 30 August, 2014 (Himilo)- Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa sheegay inaanay Somaliland Beesha caalamku ku khasbi karin in gudaha dalkeeda laga maleego dhibaatooyin lid ku ah nabadgelyada iyo degganaansheheeda, ka dib markii ay Wakiillada Qaramada Midoobay, Midawga Yurub iyo Maraykanka u qaabbilsan Soomaaliya ku baaqeen inay Somaliland Ciidankeeda ka saarto deegaanka Saax-dheer ee dalkeeda oo Kooxda Khaatumo xarun ka dhigatay bilihii u dambeeyey, halkaas oo ay Khamiistii ka saartay Kooxda Khaatumo oo Galaydh ku caleemo-saarayey.
FaysalGuddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo u warramay Laanta Afka Soomaaliga ee Idaacadda VOA-da xalay, waxa ugu horreyn uu ka jawaabay dagaalkaas iyo waxay kala socdaan su’aal laga weydiiyey, waxaanu uu yidhi, “Marka hore aad iyo aad baannu uga xunnahay dadka dhintay waanannu ka tacsiyadaynaynaa ehelada, aad baannu uga xunnahay in dagaalkaasi dhaco, markii hore ee shirku socdayna waannu ka hawlgalnay inaan dagaal dhicin. Laakiin, meeshu Bahala-galeen bay noqotay, markii ay yimaaddeen saddex diyaaradood oo qaarkood Hub sidaan Buuhoodle oo Soomaaliya ka yimaaddeen, waxaannu u aragnay in jiritaanka Somaliland iyo nabadgelyada khatar ku tahay meeshaasi, lama huraan bay noqotay, Somaliland-na waxay xaq u leedahay inay difaacdo sharafta dalkeeda iyo nabadgelyadeeda way ka fursan wayday.”
Faysal oo ka jawaabayey su’aal laga weydiiyey in Beesha Caalamku ku baaqday inay Somaliland ka baxdo deegaankaas Saax-dheer ee ay Khamiistii Ciidankeedu ka qabsadeen Kooxda la baxday Khaatumo, waxa uu yidhi; “Horta Annaga waxba nama siiso Beesha Caalamku. Waddankayagu wuu Burburay, annagaa Gacmahayaga ku samaysannay Nabadgelyada, haddii ay Soomaaliya Natiijo ka laadahay annaga Beesha Caalamku waxba nama siiso. Markaa xaqna nooguma leh inay noogu hanjabaan meel aanay waxba ku darsannin oo dalkayaga ah, waana Arrin daakhili ah oo annagaa dhammaysanayna. Haddii dawladuhu Oggolaadeen In dal laga dhex-sameeyo Maamul, taasi Macquul noqon mayso in Somaliland laga dhex sameeyo wax Khaatumo State la yidhaahd Caqligana ma galayso.”
Eng Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay in Baaq ka soo baxay Wakiilada Midawga Yurub, Qaramada Midoobay iyo Maraykanka oo ku aadan in Dhulkaasi laga saaro Ciidanka Somaliland wax u dhimayo Xidhiidhka Somaliland iyo beesha caalamka waxa uu ku jawaabay; “Horta Anaga waxba nama siiso Beesha Caalamku. Waddankayagu wuu Burburay, anagaa Gacmahayaga ku samaysanay Nabad galyada, haddii ay Somalia Natiijo ka laadahay anaga Beesha Caalamku waxba nama siiso.markaa xaqna nooguma leh inay noogu hanjabaan meel aanay waxba ku darsanin, waana Arin daakhili ah oo nagaa dhamaysanayna. Haddii dawladduhu Ogolaadeen In dal laga dhex sameeyo Maamul, taasi Macquul noqon mayso in Somaliland laga dhex sameeyo wax Khaatumo State la yidhaahd Caqligana ma galayso.”
Waxa uu Guddoomiyaha UCID intaas ku sii daray oo yidhi; “Dadkuna maaha Cali Khaliif, waa Koox yar oo ka tirsan Beeshaas, markii hore ee Taleex lagu shiray ayaabad moodaysay in sidan lagaga badnaa, maanta 15 bay leeyihiin (Dhulbahante) oo hal Suldaan baa la jooga Cali Khaliif, waana nin doonaya inuu dadka ka dhigto Sallaan oo uu Madax ku noqdo, Somaliland-na oggolaan mayso dadka walaalaha ah in la isku diro. Beesha caalamkana halkii loo diray waa Soomaaliya ee halkaas nabad haka keento oo wixii lacagta badan ay ku qaateen haka keenaan, laakiin Somaliland Beesha caalamku wax uma yeedhin karaan.”
Hogaamiyaha Xisbiga Ucid waxa uu sheegay inaanay suuro gal ahayn in Somaliland lagu celiyo halka Wakhtigan Somalia joogto, halkii ay ahayd in Soomaaliya la keeno meesha Somaliland marayso. Waxaanu Faysal xusay inaan xalka iyo horumar laga gaadho ammaanku aanay ku jirin Gacmaha Dawladaha Ingiriiska iyo Maraykanka, balse ay ku jirto Gacmaha Soomaalida. “Waxaannu leenahay Ciidammadu way ka baxayaan meesha markay nadiifiyaan, markii horena baahi baa geysay, Tufaaxa Xabbadda xun baa la iska tuuraa, markaa in Cali Khaliif Galaydh noqday xabbaddaas Tufaaxa ah ee xun oo kale.” Sidaa ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.
Eng. Faysal Cali Waraabe oo la waydiiyay in Bulshada deegaanka iyo Somaliland ku kala fogaan karaan Dagaalka deegaanka waxa uu ku jawaabay; “Horta, dadka halkaasi deggani waa dad reer Somaliland ah, waa dad aan Maamul gaadhin oo aannu hadda doonayno in Maamulka la gaadhsiiyo oo Iskuullo loo dhiso, oo Caafimaad la gaadhsiiyo. Laakiin, waxay Calaamatul Su’aal saaran tahay Ninka Xamar intuu ka yimid leh waxaan samaynayaa Maamul aan suurtogal ahayn oo aan caqliga galayn oo ah uun fidno ee i boqra oo i caleemo-saara, kaas ayaa eedda leh.”
Mar uu Faysal Cali Waraabe ka jawaabayey su’aal laga weydiiyay in Cali Khaliif Xamar haka yimaaddo, Balse uu daagaankaas u dhashay oo uu deegaankiisii joogo, dadkiisiina la joogo, waxa uu ku jawaabay; “Aniguba Awaaraan ku dhashay, haddaan intaan fadhiisto Ina-Guuxaa oo ku taalla Xadka u dhexeeya Somaliland iyo Itoobiya oo aan idhaahdo waxaan samaynayaa Ciidagale State (Maamulka Ciidagale), taasi ma suuragal bay nqoonaysaa? Siday u suuragalaysaa in Laascaanood iyo Buuhoodle iyo Deegaannadaas laga sameeyo Maamul Somaliland ku dhex-jira? Wax suuragal ah maaha. Waxaan mar kale ku celinayaa Beesha caalamku markay ku guul-darraysteen Soomaaliya inay annaga shaqo naga dhigtaan maaha.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment