Guddiga dhexdhexaadinta oo ka kooban wasiirro ka tirsan xukuumadda federaalka ah ee Soomaaliya, mas’uuliyiin ka socday urur goboleedka IGAD ayaa ku guuleystay in Col. Barre Hiiraale ay ku qanciyaan imaanshaha Kismaayo si uu qeyb uga noqdo howlaha dib u heshiisiineed ee ay dowladda federalku ka waddo gobollada Jubbooyinka.Qaar ka mid ah saraakiisha maamulka Jubba ayaa warbaahita u sheegay in Barre Hiiraaale iyo ciidankiisa ay haatan ku sugan yihiin garoonka Ma-dhamaato oo ku yaalla duleedka waqooyiga degmada Kismaayo, waxaana la sheegay in halkaasi la dejiyay isaga iyo Ilaaladiisa.
Wararka ayaa intaas ku daraya inay si toos ah isu hor yimaadeen Kornayl hiiraale iyo Axmed Madobe, isla-markaana laabta isgeliyeen, iyagoo muujinaya inay dhamaatay Xurguftii muddada u dhaxaysay.
Weriyeyaasha ku sugan Kismaayo ayaa loo diiday in ay tagaan goobta uu ku sugan yahay Barre Hiiraale iyo ciidankiisau, waxase Soo Baxaya in maalinta berry ah labada dhinac bilaaban doonaan Wada-hadalladooda, iyadoo la filayo in halkaas laga soo saaro Qoddobo labada dhinacba ku qancaan oo xal u noqon kara sidii meesha looga saari lahaa khilaafka keenay barkaca shacabka iyo dagaalka labada garab.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment