Wednesday, October 8, 2014

Boliska Britain Oo Gacanta Ku Dhigay Afar Dhallinyaro ah Oo Looga Shakiyey Inay Abaabulayeen Qaraxyo Laga Geysto Magaalada London

London:Oct,08,2014(Himilo)-Saraakiil sare oo ka tirsan Boliska Magaalada London, ayaa sheegay inay Gacanta ku dhigeen Tiro rag ah oo lagu eedaynayo inay damacsanaayeen Weeraro ay ka fuliyaan Caasimadda London.

kinNimankan ayaa Booliisku, waxa ay sheegeen inay qabteen shalay oo Salaasa aheyd, balse muddo lagu daba jiray dhaq-dhaqaaqooda, maadaama ay Booliiska shaki badan ka qabeen ragaasi.

Inkastoo Booliiska aanay faah-faahin badan ka bixin ragan la qabtay iyo wadamada ay ukala dhasheen, ayaa hadana wararka waxa ay sheegayaan in tirada ragan ay yihiin afar ruux, waxaana lagu xidhay xabsi ku yaalla Badhtamaha Magaalada London.

Afarta ruux ee looga shakiyay inay qorsheynayeen weeraro argagixiso oo ay ka geystaan Magaalada London ee dalka Uk ayaa mid kamid ah wuxuu tagay dalka Syria oo uu dhawaan kasoo noqday, sida laga soo xigtay saraakiil Booliiska ku dhaw-dhaw.

Saraakiil ka tirsan Booliiska Magaalada London, ayaa ku waramaaya inay suuragal tahay in ragan ciqaab adag la marsiiyo, marka uu dhamaado baadhitaanada iminka ay ku hayaan laamaha Sirdoonka dalka Uk.

Bilihii u dambeeyay waxaa dalka Britain saameyn xooggan ku yeeshay cabsida laga qabo argagixisada. kadib markii dhalinyaro badan oo ka tagay dalalka Yurub oo ay Britain ku jirto ku biireen ISIS.

Dhalinyaro badan oo Soomaali ah oo ka tagay Mareykanka iyo UK ayaa ku biiray kooxda ISIS ee Syria iyo Ciraaq ka dagaalanta, waxaana taasi ay keentay in Sirdoonka dalalkaasi ay laba jibaaraan xogaha ku saabsan dhanka argagixisada.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment