Thursday, October 16, 2014

Ciidamo Boolis ah Oo Saaka Hiirtii hore La Wareegay Xarunta Hutel-ka Hiddo-dhawr iyo Xus Saaka Loogu Ballansanaa Shuhadada SNM Oo Baaqday

Hargeysa:Oct,16,2014(Himilo)-Xukuumadda Somaliland, ayaa saaka Hiirtii hore Ciidan Boolis ah Ku wareejisay Xarunta Hutelka Hiddo-dhawr oo ay leedahay Mujaahid Sahra Halgan, iyadoo laga soo dareeriyey shaqaalihii iyo dadkii kale goobtaas joogayba.

dghaXarunta Huteelka ayaa saaka loogu ballansanaa in lagu qabto munaasibad la doonayey in lagu xuso maalinta shuhadada SNM oo ay mulkiilaha Hutelku ka mid ahayd, waxana ay saraakiil xukumadda katirsan oo arrintan ka Hadlay sheegeen inaan la ogolayn wax xus oo ay sahra Halgan soo abaabusho.

Xalay ayaa Sahra Halgan Wasaaradda Arimaha guduhu u dirtay Warqad lagu amray inaanay qaban Karin Xuskaasi islamarkaana ay qabashada Xuskaasi masuul ka yihiin Jimciyadda Mujaahidiinta SNM.

Shalay ayaa sidoo kale Gudoomiyaha Jimciyadda Sooyaal ee Mujaahidiintu sheegay inaanay cid kale qaban Karin Xuska SNM isagoo Eedaymo kulul u jeediyay dad uu sheegay inay ku hawlan yihiin Arimaha Mujaahidiinta.

Arintan ayaa u muuqata in Xukumaddu siyaasadaysay Xuska Maalinta Shuhadada SNM oo horeba aan si meeqaam sare ah loogu xusi jirin islamarkaana lagu dhaliiili jiray sida Wasiirada Xukumaddu aanay uga qayb gali jirin Xuskaasi.

Xarunta Hiddo-dhawr oo saaka Ciidanka Bolisku la wareegeen, ayaa waxa ay ku biiraysaa Xarumaha Wargeysyada Haatuf iyo Hubaal oo ilaa iyo Haatan ah Xarumo ay ciidamadu ku sugan yihiin muddo sanad ku dhaw.

 

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment