Saturday, October 18, 2014

Dab Ka Kacay Sudio-yaha Radio Hargeysa iyo Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Oo Ka Hadlay Khasaaraha uu Geystay

Hargeysa:Oct,18,2014(Himilo)-Dab sida la sheegay aan Khasaare Badan Geysan ayaa saaka kacay midkamid ah Sudio-yayaasha Radio Hargeysa, waxana arrintaas ka Hadlay Wasiirku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Caddiwaaxid Cabdiraxmaan Cabdiqaadir.

cabdiwaaDabkan oo saaka Barqadii si kedis ah u kacay, ayaa waxa uu kiciyey Qiiq badan oo shaki geliyey Shaqaalah Wasaaradda, waxana lagu guulaystay in markii dambe la damiy.

Wasiir-ku-xigeenka Warfaafinta Cabdiwaaxid, ayaa ugu horrayn Faahfaahin ka Bixiyey khasaaraha Dabkaasi ka dhashay, “Waxa uu dab yari ka kacay Sudioyaha radio Hargeysa, saacaddu markay ahayd 9:30AM. isla markiibana waa lagu guulaystay, waxana aanu filaynaa inuu ahaa shoodh kacay, wax khasaare ahina kama uu dhicin, qalabkii meesha yaalay iyo wixii cajalado ahaa ee kuraas haddii ay tahay wixii studio-yaha yaallaynab way ka Badbaadeen.” Ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.

Mudane Cabdiwaaxid, waxa uu sheegay in dabkaasi muddo kooban socday, isla-markaana Gurmad laga Galay Kadib lagu guulaystay in la damiyo,“dabkaasi wax daqiiqado ah ayuu socday oo qiiq aan olol lahayn baa ka kacay si wanaagsan baana loogu soo Gurmaday, shaqaalaha kal aduwan iyo Injireerada warfaafinta oo si fiican u soo gurmaday iyo Dawladda          Hoose oo dab-damiskii inoo soo dirtay.”

Wasiir-ku-xigeenku waxa uu tilmaamay in dabku ka mid yahay waxyaabaha iska dabiiciga ah ee Markasta iska kici kara, isla-markaana ay wanaag tahay in lagu guulaystay Damintiisa,

“Runtii wax weyn ma ahayn ilaahay baana inagu guuleeyey Hawshaasina waa ay dhamaatay, dabkana sida aynu oognahay meel walba waa ka kici karaa oo waa wax Dabiici ah.”

Dabkan ayaan wali si fiican loo shaacin sababta dhalisay, waxase wararka qaarkood sheegayaan inuu ka dhashay Shoodh ka dhashay Xadhkaha Korontada ee Xafiiskaas ku Jira.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment