Wednesday, October 8, 2014

Dawladda Ingiriiska oo Somaliland u ballan-qaadday Xidhiidh iyo Iskaashi Ka Mug weyn wada-shaqayntii hore uga dhaxsay labada dawladood

“Waxaanu u aragnaa inay tani astaan muhiim ah u tahay sida ay nooga go’an tahay inaynu iska kaashanno khataraha aynu wadaagno sida budhcad-badeedda, argagixisada iyo khataraha kale ee badda ka jira,”

Hargeysa, 08 Oct, 2014 (Himilo)- Safiirka Boqortooyada Ingiriiska u qaabilsan Somalia/Somaliland Danjire Neil Wigan, ayaa sheegay in xidhiidhka u dhexeeya Somaliland iyo Ingiriiska xilligan uu ka qoto-dheer yahay isla markaana ay isaga dhow yihiin labada dawladood sidii ay isku ahaayeen sannado badan ka hor, wakhtiganna ay u diyaar u yihiin inay sii xoojiyaan wada-shaqaynta ay ka leeyihiin dhinacyada siyaasadda iyo nabadgelyada.
5961158934_6ffcef6522_zDanjire Wigan oo shalay hadal ka jeediyey munaasibad lagu qabtay Markab Ciidamada Badda Ingiriisku leeyihiin oo madaxweynaha Somaliland tabobar ugu soo xidhay cutubyo ka tirsan ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland oo tabobar saraakiil Ingiriis ahi todobaadyadii u dambeeyey ku layliyayeen loo soo gebo-gabeeyey, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan ka go’an tahay xoojinta wada-shaqaynta dhinacyada ammaanka iyo siyaadda ee ka dhexeeya labada waddan iyo taageerada ay ka gestaan horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada.
Safiirka oo ka hadlayey munaasibaddaas, waxa uu yidhi, “Anigoo Ka wakiil ah Dawladda Ingiriiska, waxaan ku faraxsan yahay inaan kugu soo dhaweeyo Markabka dushiisa. Waa markii labaad muddo laba sanno ah ee aanu fursad u helno inaanu kugu soo marti-qaadno adiga iyo masuuliyiinta dawladdaada, farxad weynbaanay noo tahay inaad naga aqbasho marti-qaadka.”
“Sidii aanu horeba kuugu sheegay kulankeenii shalay (Dorraad) xidhiidhka ka dhexeeya Britain iyo Somaliland wakhtigan way isaga dhow yihiin sidii ay isku ahaayeen sannaddo badan ka hor, waxaanu xambaarsan yahay wax-qabadyo intii hore ka ballaadhan,” ayuu yidhi Danjire Neil.
Safiirka Dawladda Ingiriisku waxa uu ka hadlay ujeeddada kulanka shalay madaxweynuhu tabobarka ugu soo xidhay ciidanka ilaalada Xeebaha Somaliland, waxaanu yidhi, “Tan maanta (Shalay) waxay ku saabsan tahay iskaashi Siyaasadeed iyo mid nabadgelyo. Waxaan ku faraxsannahay inay ciidanka badda ee Ingiriisku mar kale yimaaddaan Berbera, wakhtigana ku qaataan inay tabobarana Ilaalada Xeebaha Somaliland. Waxaanu u aragnaa inay tani astaan muhiim ah u tahay sida ay nooga go’an tahay inaynu iska kaashanno khataraha aynu wadaagno sida budhcad-badeedda, argagixisada iyo khataraha kale ee badda ka jira, tabobarku si wanaagsan buu u socdaa, waxaananu ku rejo-weynahay inaanu sii wadno tabobarradan.”
Dhinaca kale, Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Siilaanyo oo hadal kooban ka jeediyey munaasibadda tabobarka loogu soo xidhayey ciidanka Ilaalada Xeebaha Somaliland, dhankiisa sheegay in xidhiidh qoto-dheer ka oo soo-jireen ahi ka dhexeeyo Somaliland iyo Ingiriiska isla markaana uu rejaynayo inuu ka sii koro heerka uu xilligan taagan yahay, waxaanu dawladda uga mahad-celiyey tabobarka iyo taageerada dawladda Ingiriisku u fidiso Somaliland.
“Waxaan aad iyo aad ugu mahad-naqayaa madaxda markabka iyo madaxda safaaradda Ingiriiska iyo tabobarka ay siiyaan ciidankeenna ilaalinta nabadgelyada badaheenna. Taariikh badan oo fog baa inaga dhaxaysa Ingiriiska, waanu jecelnahay inuu xidhiidhkaasi sii kordho oo maalinba maalinta ka dambaysa sii xoogaysto, kaas oo waxtar u noqon kara labada dhinacba,” sidaas ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Taliyaha Ilaallada Xeebaha Somaliland oo halkaas ka hadlay, ayaa dawladda Ingiriisku uga mahad-naqay taageerada ay ka geystaan tabobarka ciidamada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah ee bulshada iyo dhaqaalaha.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment