Tuesday, October 21, 2014

Ebolaha Oo Gaadhay Dal Saddexaad Oo Yurub ah

Dublin:Oct,21,2014(Himlo)-Xanuunka Dunida kaga Qaylisiiyey ee Ebola, ayaa lagu arkay Dalka Ireland ee Galbeedka Yurub, waxana qofka lagu arkay uu kasoo kicitimay Dalka Nigeria oo shalay la xaqiijiyey in xanuunkaas laga dabar gooyey.

furBukaankan ayaa lagu xananaynayaa cusbital ku yaala casimada wadanka Ireland ee Dublin iyadoo amaanka cusbitalkasi aad loo adkeeyay isla markana ay dhakhaatiru sheegeen in qofkan markii ay garoonka casimada wadankasi ay kasoo dagtay aan wax calaamadaha cudurkasi lagu arag balse markii danbe lagu arkay.

Dalka Ireland, ayaa Noqonayaa Dalkii saddexaad ee Yurub ah, kaas oo lagu arko cudurka Ebola oo isagu gaadhay meelo fogfog oo Dalka Maraykanku ku jiro.

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment