Xubnaha Guddiga Cusub ee Doorashooyinka oo beddeli doona guddigii hore ee doorashooyinka oo muddo xilkeedkoodu ku egyahay 29-ka bishan October, ayaa madaxweynuhu laba digreeto oo ku kala taariikheysan 6-dii iyo 9-kii bishan oo lagu shaaciyey wareegtooyin uu golaha Wakiillada ugu gudbiyey todobada xubnood ee guddiga Doorashooyinka, waxa uu kaga codsaday inay sida ugu dhakhsaha badan waajibaadkooda sharci uga gutaan muddada ka hadhsan wakhtiga muddo-xileedka guddigii hore ku eg yahay, isaga oo madaxweynuhu digreetadiisa ku xusay in Taariikh-nololeedka iyo C.V-yada xubnaha cusub ku lifaaqan yihiin wareegtada uu golaha Wakiillada ugu gudbiyey xubnaha Cusub.
Haseyeeshee, Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), ayaa sheegay inaanay gole ahaan wali ka helin Madaxtooyada waajibaadyo uu jidaynayo Xeerka Doorashooyinka iyo Nidaamka Xulidda iyo Ansixinta xubnaha Guddiga Doorashooyinka oo ah dokumentiyo caddaynaya taariikh-noleedka, caafimaadka iyo dambi-la’aanta xubnaha loo doortay Guddiga Doorashooyinka.“Wali waxaanu ka sugaynaa madaxtooyada Somaliland waraaqihii looga baahnaa guddiga doorashooyinka, oo ay ka mid yihiin waraaqaha uu waajibiyey, sida CV-yada, Warqadaha dambi la’aanta iyo Caafimaadka,” ayuu yidhi Md Cabdiraxmaan Cirro.
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada oo isla markaana ah Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, waxa kale oo uu sheegay in ay dalka ka maqan yihiin saddexda xubnood ee Madaxweynuhu magacaabay, taasina ka mid tahay caqadaha wali ka hortagaan golaha inay waajibaadkooda ka gutaan xubnaha. “Waxa kale oo jirta xubnaha qaarkood inay maqan yahay, gaar ahaan kuwii madaxweynuhu magacaabay,” ayuu yidhi Md Cirro.
Guddoomiyaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray oo yidhi, “Markaa, marka ay soo wada-gaadhaan C.V-yada dhammaan Xubnahaasi iyo waraaqaha looga baahan yahay ee oo gudbiso madaxtooyadu, waxa uu goluhu diyaar u yahay inuu waajibkiisa ka guto.”
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment