Wednesday, October 8, 2014

Guddoomiye Cirro Oo Shaaca Ka Qaaday Inaanu Xisbigiigu Ku Qanacsanayn Tallaabadii Madaxweyne Siilaanyo Ku Diiday Xubintoodi Komishanka Qaranka

Hargeysa:Oct,08,2014(Himilo)-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland, Ahna Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Wadddani, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Cirro, ayaa tallaabadii uu madaxweyne Siilaanyo Kusoo celiyey Xubintii Xisbiga wadani usoo magacaabay Komishanka qaranka ku tilmaamay mid aanay xisbi ahaan sinaba ugu qanci karaynin.

DSC01814Waxa uu Guddoomiye Cirro oo Maanta Xafiiska Xisbigiisa Shir Jaraa’id ku qabbtay sheegay in si indho la’aan ah loogu tumanayo shuruucdii dalka, isla-markaan xukuumaddu muujisay inaan sharciga loo sinayn,

“28-kii bishii August,waxaa Xisbiga Waddani Soo gaadhay Warqad Madaxweynuhu kaga dalbanayo inuu Xisbigu 7 Cisho Gudahood soo magacaabo laba Xubnood oo Madaxtooyadu kala doorato,iyadoo Xeerka si cad ay ugu qeexan tahay in Xisbigu hal Xubin soo magacaabayo,isla warqadaas waxa uu Xisbiga Ucid kaga dalbaday laba xubnood,guurtidana 4 Xubnood laakiin,xeerku wuxuu qorayaa Ucid hal xubin Guurtidana 2 Xubnood. Anagoo ka jawaabayna Warqadaas waxaanu soo magacawnay 30-kii August, xubintii Xisbigu xaqa ugu lahaa Guddida doorashooyinka qaranka” ayuu yidhi Mr Cabdiraxmaan Ciiro

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro waxa uu Sheegay inuu dhamaan Shuruuradaha ku xidhan ka mid noqoshada Guddida doorashada buuxiyey Dr Maxamed Cismaan Fadal oo Waddani wakhtigaasi u magacawday Komishanka islamarkaana ka hor warqada Madaxweynaha uu Xisbiga Waddani iska casilay kana baxay Xisbiga.

“Asbaabta uu Madaxweynuhu u cuskaday soo celinta Dr Maxamed Cismaan Fadal,waxay Xisbiga Waddani u ahayd mid aan sax ahayn,dabadeedna mar kale ayaanu ku celinay anagoo sharaxnay sababta aanu ugu celinay” ayuu yidhi Gudoomiye Ciro.

Gudoomiyaha Waddani waxa uu sidoo kale sheegay inaanay si rasmi ah u helin Warqada dambe ee lagu celiyay Dr Fadal balse ay ku war heleen Magacaabistii Guddida doorashada oo ay warbaahinta ka akhriyeen.

“Xubintani waxay buuxisay dhamaan Shuruudihii Sharciga iyo xeerku tilmaamay, sababta loo Cuskadayna maaha mid xeerka waafaqsan.waxaa laga filayaa Madaxtooyada Somaliland inay dadka Caddaalad kuwada dhaqdo,waxaa laga filayaa Qodobka ay xubin u adeegsato inay xubnaha oo dhan u adeegsato oo aanay mid qudha oo dan laga leeyahay ama si gaara loo takoorayo u adeegsan.

Waxa loo baahan yahay in Xubinta la diidayo sifo sharciga waafaqsan lagu diido.waxaynu ka warqabnaa in Xubnihii Guurtidu u gudbisay laftooda sifo aan sharciga waafaqsanayn lagu celiyay” ayuu yidhi Mr Cirro.

Gudoomiye Cabdiraxmaan Cirro, isagoo sii hadlaya waxa uu yidhi “Xisbiga WADDANI waxa uu soo dhawaynayaa dhamaan xubnaha loo doortay Komishanka doorashooyinka Qaranka,anagoo Kalsooni siinayna waxaa laga filayaa dhamaantood inay Xisbiyada qaranka ugu xaqsooraan Caddaalad.”

Ugu dambeyntii Waxa uu sheegay inaan Xisbiga Waddani ku qanacsanayn Soo celinta Xubinta Komishanka uu u igmaday, balse ay danta Guud darteed ixtiraamayaan Distoorka dalka u yaalla, waxana uu yidhi, “Xisbiga Waddani Kuma qanacsana sababta Madaxweynuhu Cuskaday ee uu ku soo celiyay Dr Maxamed Cismaan Fadal, haseyeeshee Xisbigu wuxuu u hogaansan yahay Dastuurka iyo Shuruucda Dalka, waxaanu qaadi doonaa talaabo waafaqsan Sharciga iyo Dastuurka dalka.Waxaan hadalkayga ku soo koobayaa, Somaliland meel adag oo Xaasaasi ah bay maraysaa ,badbaadadeeduna waxa weeye in Doorasho xor ah oo Xalaal ahi ka dhacdo,haddii ay ka dhici waydo waxaa laga yaabaa inay dhibaatooyin la soo darsaan”

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment