
Laba ka mid ah gabdhahan ayaa asal ahaan Soomaali ah, kuwaas oo da’doodu ay kala tahay 15 iyo 16 jir. Gabadha saddexaad ayaa u dhalatay dalka Sudan, taas oo aan wali da’deeda la xaqiijin.
Meesha ay gabdhuhu u socdeen wali ma cadda, hase yeeshee waxa mid ka mid ah gabdhuhu ay ciidamada ammaanka u sheegtay in ay u socdeen dalka Turkiga si ay wax u soo bartaan.
Xigto iyo saaxiibo magacooda qariyey ayaa VOA qeybteeda afka Soomaaliga u sheegay in Jimcihii hore gabdhaha la waayey.
Mid ka mid ah xigtada ayaa sheegay in ay magaalada Denver ka tageen galabtii Jimcaha, siina mareen magaalada Chicago, iyaga oo u sii socda magaalada Frankfurt ee dalka Jarmalka.
Xigtada ayaa sheegtay in isla markiiba ay ciidanka ammaanka ogeysiiyeen, kuwaas oo iyaguna la xidhiidhay dhigooda Jarmalka.
Ilaa iyo iminka lama xaqiijin karo ujeedka safarka Gabdhahan, balse qaar ka mid ah wargeysyada Mareykanka ayaa sheegaya in laga shakisan yahya in damacsanaayeen sidii ay ugu biiri lahaayeen kooxda ISIS ee dagaalka ka wada Bariga dhexe.
Gabdhaha ayaa la sheegay in hadda dib loogu soo celinayo dalka Maraykanka oo ah meesha ay ku noolaayeen.
Himilo Media
No comments:
Post a Comment