Thursday, October 9, 2014

Hay’adda DAI oo Munaasibad lagu shaacinayo u qabatay tartamayaal ku guulaystay Maalgeshi Ganacsi

Hargeysa, 09 Oct, 2014 (Himilo)- Munaasibad ballaadhan lagu shaacinayey tartamayaal ku guulaystay Mashruuc loogu talagalay iskaashiga iyo Kobcinta dhaqaalaha oo ay maal-galinaysay Ha’ayada Dawladda Maraykanka u qaabilsan Horumarinta caalamiga ah ee USAID, isla markaana ay fulinaysay Ha’yadda DAI, kana qayb-galeen tartamayaal tiro badan, ayaa lagu qabtay Hotel Ambassador ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibadda lagu shaaciyey dadka ku guulaystay mashruucan, waxa ka qayb-galay Madaxda Sar-sare ee Hay’adaha USAID iyo DAI, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashiga Caalamiga ah, Tartamayaasha guulaystay iyo marti sharaf kale.
Mashruucan ayaa ah fursad maal galineed oo ay guuleysteen 12-Ganacsi oo ka mid ahaa ganacsiyo tira badan oo laga dhex-xushay, kuwaas oo ay soo bandhigeen tartamayaal kala duwan oo ka kala socday qaybaha kala duwan ee bulshada, waxa munaasibadda loo sameeyey shaacintiisa lagu guddoonsiyey dadka nasiibka u helay fursadaha maal galineed ee ay tartanka u galeen.
Ha’yadda DAI oo fulinaysay mashruucan, ayaa ka warbixisay u jeedada laga leeyahay mashaariicda maal gelineed iyo sida oo kale marxaladihii kala duwanaaa ee uu soo maray mashruucani, waxaana ay tibaaxeen in maal galinta ay samaynayaan aanu ahayn dayn, balse uu yahay mid deeq ahaan loogu dhiirigelinayo ganacsiga, waxaanay ujeeddada ay u fulinayaan ku sifeeyey sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen una dhiiri galin lahaayeen kobaca dhaqaalaha iyo ganacsiga gaarka loo leeyahay, sida lagu sheegay war-murtiyeed hay’addu kaga hadashay mashruucan oo laga akhriyey munaasibadda lagu shaacinayey dadka ku guulaystay mashaariicda.
War-murtiyeedka shirkaddu ku faahfaahisay marxaladihii mashruucu soo maray, cidda ka qayb-qaadatay iyo shuruudihii ay ku heleen dadka ku guulaystay, ayaa u qornaa sidan:- “Barnaamijka Iskaashiga Kobcinta Dhaqaalaha oo ay maal gelinayaan dadweynaha Maraykanku,loona soo mariyo Hay’adda u qaabilsan Maraykanka Horumarinta Caalamiga ah, ayna fuliso DAI, waxaa loogu talo-galay inuu caawiyo yoolalka dadka Soomaalida ee ku aaddan horumarinta dhaqaalaha iyo nolosha. Barnaamijku waxaa uu la shaqeeyey dawladda iyo ganacsiyada gaarka loo leeyahay si loo horumariyo deegaanka ganacsiga, loona abuuro shaqooyin dakhliguna u kordho.
Mashruucan maalgelin-wadaaggu waa mid leh habab fudud oo ku dhisan tartan iyadoo Barnaamijka iyo ganacsatada Soomaalidu ay wadaagayaan maal-gelinta oo ku dhisan hab deeq ah si loo taageero fursad loo leeyahay iyo abuurida shaqooyin iyadoo la dhiirigelinaayo habka kharash wadaaga si loo yareeyo khatar ku gedaaman ganacsiga, Barnaamijku waa deeq mana ah dayn, lamana bixinayo ribo.
Mashruuca maalgelin-wadaagu waa mid leh qaab fudud oo si furan loogu tartamo,halkaas oo barnaamijku iskaashiga kobcinta dhaqaalaha ee DAI uu la wadaago maal-gashiga ganacsiyada Somalida iyadoo la adeegsanayo kab dhaqaale si loo horumariyo hababka hal abuurnimo ee xoojinaya ganacsiga gaarka loo leeyahay, loona abuuro shaqooyin.Intaasiba iyada oo ay jirto,hadana waxaa sugan wadaagista kharashka ee lala galaayo ganacsadaha ku guulaystay in uu helo kab-dhaqaale. Mashruuca iskaashiga dhaqaaluhu waa isku aaddin kab dhaqaale, balse maaha ganacsada guulaystay inay dib u bixinayaan lacagaha ay ku guullaysteen,” sidaas ayaa lagu yidhi faahfaahinta hay’addu ka bixiyey mashruucan.
Waxa kale oo qoraalka lagu sharraxay mashruuca lagu sheegay, “Maalgalintu waxa ay u furnayd codsade kasta oo ka socda qaybaha wax-soo-saarka ee Xoolaha iyo beeraha sida wax soo saarka beeraha,Warshadaynta,dhiqida shinada,Beeyada,iyo Faleenka Kalluumaysida iyo Tamarta IWM.sida ku cad barnaamijka wajigiisa koowaad,qiimaynta guulaysigu waxay ku salaysnayd saamaynta uu ku leeyahay Fikirka Ganacsi Koboca Dhaqaalaha,Midho-dhalka dhaqaale ee fikir ganacsi iyo wax ku oolnimada galaya ganacsiga,Laf-gurida dalabka suuqa iyo socodka badeecada,khibrada maamulka ganacsiga iyo xadiga kharash wadaaga.Habka xulashadu waxa uu ahaa mid cadaalad ku dhisan oo ku salaysan qodobadan aan xusnay,” ayaa lagu yidhi nuqul ka mid ah War-saxaafadeedkii Haayada DAI ay soo saartay.
Marka laga yimaaddo war-murtiyeedka lagu faahfaahiyey mashruuca hay’adda DIA fulinaysay, waxa ugu halkaas ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga iyo Maal-gashiga Caalamiga ah Md Maxamed Sheekh Cumar oo soo dhaweeyey barnaamijka ay Maalgelisay Hay’ada USAID sida oo kalena ay fulinaysay Hay’ada DAI, waxaana hadalladiisa ka mid ahaa, "Anigu waxaan isu taagay in aan u mahad naqo aniga oo ku hadlaaya magaca Wasaarada Ganacsiga Haayada USAID oo runtii u fidisay Kaalmo wax ku ool ah oo dhaqaale taasi oo isagu jirta maal gashi iyo ganacsi isagu jirta dalkeen keentay,iyada oo aynu odhan karno dhamaanba waxaa ay ka muuqataa qaybaha muhiimka ah ee wadankeena ee aynu ka helno dhaqaalaha ama aynu u baahanahay in aynu maal gashano sida Xoolaha, Beeraha, Kalluumaysiga iyo Illaa iyo digaaga oo ay socdeen in ay qayb ka qaataan, taasna waxaan leeyahay aad iyo aad baad ugu mahadsan tihiin, sidaas awgeedna Wasaarada Ganacsiga iyo Maalgashigu waxaa ay marwalba ay u taagan tahay horumarinta dhaqaalaha casriga ah in ay gaadhsiiso dalkeena,oo ay yeelato heerka ay marayaan ganacstada caalamku,waxaana ay Wasaarada Ganacsigu ay ku jirtaa dadaal aad iyo aad u badan kaas oo aanu rajaynayno sida imikaba muuqata in midhaheda wakhti dhaw la wada arki doona, hadafka aynu leenahay waxa weeye in aynu horu marino dhaqaalaha waddankeena,”ayuu yidhi Agaasimaha Guud ee Wasaarada Ganacsiga Iyo Horumarinta Somaliland.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment