Madaxweynaha iyo Weftigiisa, ayaa si diirran loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Heathrow ee magaalada London, Xubno ka socday Jaaliyadda Somaliland ee London, Wakiilka Somaliland u fadhiya London iyo Masuuliyiin Laamaha dawladda ka tirsan oo ku sii sugnaa London, waxaanu Madaxweynuhu dadweynaha iyo Masuuliyiinta soo dhaweeyey isaga iyo Weftigiisa uga mahad-celiyey sida diirran ee ay u soo dhaweeyeen.Inkasta oo aanu Madaxweyne Siilaanyo Warbaahinta wax war ah siinnin markii uu gaadhay London, haddana waxa Saxaafadda la hadlay Wasiirka arrimaha dibedda iyo Xidhiidhka caalamiga ah ee Somaliland Maxmaed Biixi Yoonis oo ka mid ah Xubnaha Weftiga Madaxweynaha, waxaanu sheegay in ujeeddada Safarkoodu tahay inay ka qaybgalaan Shirka Ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland oo uu xusay inay wada-qabanayaan dawladaha Britain iyo Somaliland.
Wasiirka arrimaha dibedda Maxamed Biixi oo ka hadlaya socdaalkooda iyo muhiimadda uu leeyahay waxa uu yidhi; “ILLAAHAY baa mahad leh, waxaannu aad iyo aad ugu faraxsannahay inaannu maanta (shalay) ka soo degno Madaarkan London annagoo ka mid ah Weftiga Madaxweynuhu hoggaaminayey oo u soconna Shirka weyn ee bishan October 14-keeda oo ah Maalinta Salaasada ka dhacaya magaaladan London, kaasoo ah Shirkii u weynaa ee Ganacsiga iyo Maalgashiga ee Somaliland loogu qabto dalka Ingiriiska.”
“Shirkan oo lagu soo dhawaynayo Maal-gashadayaasha iyo dadka raba inay Somaliland Maal-yimaaddaan oo ay Maalgashadaan, kuwaasoo aannu Rabno inaannu u sharraxno Somaliland xasilloonida iyo dimuquraaddiyadda ka jirta iyo khayraadka yaalla dalkeenna, waxaana ka soo qaybgalaya illaa siddeetan Shirkadood oo waawayn oo aannu ku soo dhawaynayno si ay waddankeenna u Maalgashadaan, Ganacsiyana uga abuuraan oo u yimaaddaan.” Sidaa ayuu yidhi Wasiir Biixi.
Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Shirkani waa Shirweyn oo ay dawladda Ingiriiska iyo annagu aannu wada-qabannay, waxaanannu filaynaa inuu wax wayn u tari doono Somaliland sumcad ahaan iyo dhaqaale ahaanba, waxaana ka soo qaybgelaya Shirkado waawayn oo Ganacsi oo caalami ah. Ganacsatada Somaliland qaarkood way nala socdaan, Xubno Rugta Ganacsiga Somaliland ka socda ayaa nala socda.”
“Ganacsato badan oo reer Somaliland ah ayaa lagu soo casuumay shirkan, waana shir aannu ka filayno inuu wax badan innoo kordhin doono oo aynu Maalgashi ka heli doonno oo Ganacsatada caalamiga ah ee dunida ka imanaysa iyo Ganacsatada Somaliland isku baran doonaan, waana shirkii ugu horreeyey ee Noociisa ah ee Somaliland dalkan loogu qabto.” Sidaa ayuu yidhi Wasiirka arrimaha dibedda Somaliland Maxamed Biixi Yoonis.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment