
“Ninka aad ku magacowday Muuse La-taliye ii ah ma jiro, mana jiro Ruux ka mid ah La-taliyeyaasheyda oo xidhiidh la leh Al-Shabaab, waana been in Hubkeenna loo gacan-geliyo Al-shabaab.” Sidaa ayuu yidhi Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay Wakaaladda Wararka ee Reuters.
Sidoo kale, Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u sheegay Telefishinka France 24 in aanu aamin-sanayn in eedeyntaas ay ka timid Hay’adaha Qaramada Midoobay, balse ay kuwo si gaar ah loo sameystay yihiin si isaga iyo dawladdiisa loogu fadeexadeeyo.
Ninka lagu magacaabo Muuse Ganjab oo ah ganacsado haysta dhalashada dalka Canada, sannadihii u dambeeyeyna ku sugnaa gudaha Soomaaliya, ayaa isaguna dhankiisa hore u beeniyay inuu wax xidhiidh ah la leeyahay Al-Shabaab, isagoo eedeynta loosoo jeediyay ku tilmaamay mid la been-abuuray.
Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Telefeshinka France 24 uga jawaabaya su’aasha ay arrintaas ka weydiiyeen, waxa uu yidhi; “Waxaan jeclaan lahaa in baadhayaasha Qaramada Midoobay ay caddeeyaan in Muuse uu weligii ka mid noqday saraakiisha xafiiskeyga.”
Kooxda Qaramada Midoobay u qaabilsan daba-galka Cuno-qabataynta Hubka Soomaaliya iyo Eritrea, ayaa warbixin sannadkan ay kasoo saareen Soomaaliya waxay ku sheegeen eedda loo soo jeediyay Muuse Ganjab, musuqmaasuqa baahsan ee dawladda Soomaaliya ka dhex-jira iyo in Hubka dawladda lagu iibiyo laba Suuq oo ku yaalla Caasimadda Muqdisho.
Xasan Sheekh Maxamuud oo eeddaa loogu jeediyey ninka Muuse lagu magacaabo ee Warbixintu sheegtay inuu Al-Shabaab xidhiidh la leeyahay, waxa uu yidhi; “Haddii Ruuxan uu qalad sameeyay waa mid isaga u gaar ah, balse waxaan idiin caddeynayaa in labadii sano ee aan Xafiiska joogay aanu jirin Ruux lagu magacaabo Muuse oo ka mid noqday Xubnaha ka shaqeeya Xafiiskeyga.”
Maaha markii ugu horreysay ee eedayntan oo kale ay Guddiga daba-galka Cuno-qabataynta Hubka ee Soomaaliya saaran ay u soo jeediyaan Madaxweynaha Soomaaliya iyo Xubno ka tirsan dawladda, iyagoo hore u eedeeyay in Madaxwehnaha, Wasiirraddii Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya iyo Shirkad Mareykan ah ay Lunsadeen Hanti uu leeyahay Qaranka Soomaaliya. Inkastoo ay eeddahaas ay iska fogeeyeen Masuuliyiinta dawladda Soomaaliya ee loo jeediyey ee Madaxweynuhu ugu sarreeyo.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment