Monday, October 13, 2014

Madaxweyne Siilaanyo Oo Sharraxaad Ka Bixiyey Muhiimadda Uu Shirka London Berri Ka Furmayaa U Leeyahay Somaliland

Hargeysa:13,2014(Himilo)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Axmed Maxame Maxamuud(siilaanyo) oo haatan ku sugan Dalka Britain ayaa faahfaahiyey Somaliland shirka Magaalada London Berri Ka Furmayo oo lagu faaqidi doono ganacsiga iyo Maalgashiga Somaliland.

biwMadaxweyne Siilaanyo oo boggiisa Twitter-ka farriin kooban ku baahiyay ayaa sheegay in Shirkaasi Maalgashiga Somaliland u yahay Muhiim“ Shirka Maalgashiga Somaliland ee London waa Shir aad muhiim ugu ah Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne Siilaanyo.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu intaasi raaciyay in Somaliland u furan tahay Ganacsiga iyo Maalgashiga “ Somaliland way u furan tahay Maalgashiga iyo Ganacsiga” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo iyo Wefti culus oo wasiiro u badan ayaa Jimcihii u dhoofay dalka Ingiriiska, halkaasi oo ay kaga qayb galayaan shir ku saabsan fursadaha maalgashi ee Somaliland ka banaan.waxaa la rajaynayaa in shirka ay ka qayb galaan Shirkado Ingiriis ah iyo Ganacsato Somaliland ah.

Himilo Media

No comments:

Post a Comment