Wednesday, October 8, 2014

Maraykanka, Midowga Yurub iyo QM oo Hadhaaga Al-Shabaab ugu Baaqay inay Hubka dhigaan oo ay Is-dhiibaan

Muqdisho, 08 Oct, 2014 (Himilo)- Dawladda Maraykanka iyo Qaramada Midoobay, ayaa shaaca ka qaaday inay ku faraxsan yihiin, isla markaana ay soo dhawaynayaan tallaabada ay Ciidammada dawladda Soomaaliya iyo kuwa Midawga Afrika kula wareegeen Gacan-ku-haynta Degmada Baraawe oo dhawrkii sannadood ee u dambeeyey ahayd xarunta guud ee Kooxda Al-Shabaab, balse ay Arbacadii ka dareereen markii Ciidammadu kaabiga u gaadheen iyada oo aan wax dagaal ahi ka dhicin, waxaanay ugu baaqeen hadhaaga Al-Shabaab inay hubka dhigaan oo ay is-dhiibaan.
Degmada Baraawe oo 200-km Koonfur kaga beegan Caasimadda dalkaasi Soomaaliya ee Muqdisho, ayaa Ciidammada dawladda iyo kuwa AMISOM si rasmi ah ula wareegeen Axaddii todobaadkan, ka dib markii ay ka baxeen xoogaggii gacanta ku hayay ee Al-Shabaab oo ay degmadaasi ahayd saldhiggooda ugu weyn ee ay Masuuliyiintoodu degganaayeen dhawrkii sannadood ee ugu dambeeyey.
“Gacan-ku-dhigista degmada Baraawe waa tallaabo dhinaca nabadda iyo deggenaashaha dalka loo qaaday, waxaanan ugu baaqayaa xoogagga weli dagaalka ku jira ee Al-shabaab inay hubka dhigaan,” sidaa waxa war Qoraal ah oo uu soo saaray ku sheegay Ergayga Qaramada Midoobay u qaabbilsan Xafiiska UNSOM ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay.
Ergayga Madaxda ka ah Xafiiska UNSOM ee magaalada Muqdisho, Nicholas Kay, ayaa sheegay in Al-shabaab ay ogaadaan inaanay sii wadi-karin dagaalka, loona baahan yahay inay hubka dhigaan oo ay qayb ka qaataan qorshaha dib-u-dhiska Soomaaliya iyo nabadeyntooda.
Sidoo kale, Wakiilka dawladda Mareykanka u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya James P. McAnulty, ayaa isaguna qabsashada Degmada Baraawe ku tilmaamay guul weyn oo Soomaaliya u soo hoyatay, isagoo hambalyo u diray Ciidammada dawladda iyo kuwa ay garabka ka helayaan ee AMISOM.
“Qabsashadii degmooyinka Baraawe iyo Cadale oo ka kala tirsan gobollada Shabeellada Hoose iyo Shabeellada Dhexe waa guulo lagu amaani karo dowladda Soomaaliya,” sidaas waxa uu ku sheegay farriin u ku baahiyey boggiisa Twitter-ka.
Wakiilka waxa uu intaas ku daray dowladda Mareykanku sii wadi doonto taageerada ay siinayso xukuumadda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM oo dowladda ka taageeraya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.
Midowga Yurub, ayaa isaguna sidoo kale guulo waaweyn oo wax ku-ool ah oo ay Soomaaliya gaadhay ku tilmaamay hawlgallada ay Ciidamada dawladda oo kaashaanaya kuwa Midawga Afrika ee AMISOM ay Al-Shabaab kaga qabsadeen deegaanno badan oo ka tirsan deegaannada Waqooyiga iyo Koonfurta Caasimadda Muqdisho oo ay Baraawe ugu muhiimsan tahay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment