Thursday, October 16, 2014

Maraykanka Oo Lacago Xad-dhaaf ah Duldhigay Saraakiil Sare Oo Ururka Al-qaacida Ka Tirsan

Washington:Oct,16,2014(Himilo)-Xukuumadda Waddanka Maraykanka ayaa Lacago xad-dhaf ah duldhigtay Saraakiil katirsan Ururweynaha Al-qaacida oo ay siyaasad ahaan si weyn isu hayaan.

maxeeRagga lacagahan la duldhigay madaxyadooda, ayaa waxa kamid ah sida la sheegayo nin la tilmaamay inuu yahay Gacan-yaraha Hoggaamiyaha Al-qaacida Ayman Azawaahiri.

Warbixin ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka ayaa lagu sheegay in 45-milyan oo doollar ay Mareykanku ku xidheen xogta 10-ruux oo ka tirsan Al-Qaacida iyo kooxaha ku xidhan ee Jasiiradda Carabta ka dagaalama.

Mareykanka ayaa sheegay in kooxda Al-Qaacida ku xidhan ee dalka Yemen ay tahay mid halis weyn ku haysa xukuumadaha Carabta ee ku yaalla gobolka Bariga Dhexe, isagoo sheegay in kharta kooxdan ay sii kordhayso.

Sidoo kale, wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa xustay inay siin doonto lacagtan cid walba oo soo sheegta xogta xubnahan ama soo xidha 10-ka hoggaamiye oo ka tirsan Al-Qaacidada Jasiiradda Carabta, kuwaasoo uu ka mid yahay, Sheekh Abuu Basiira Naasir Al-Wuxeyshi.

Naasir Al-wuxeyshi oo ah hoggaamiyaha Al-Qaacidada Bariga dhexe ayuu Mareykanku ku sheegay inuu sidoo kale yahay gacan-yaraha ugu weyn ee hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr. Aymen Al-Zawaahiri.

Lacagtii malaayiinta doollar ah ayaa noqonaysa tii ugu badnayd ee Mareykanku dul-dhigo xubno ka tirsan hoggaamiyaal Al-Qaacida iyo kooxaha xidhan, tan iyo markii uu Mareykanku billaabay inuu lacago fara badan dul-dhigo hoggaamiyeyaal ka tirsan kooxaha ku xidhan Al-Qaacida.

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment