Sunday, October 12, 2014

Masuuliyiinta Caafimaadka Somaliland Oo Beeniyey Warar Lagu Dhaliilay Hawlaha Shaqo ee Cisbitaalka Guud

Hargeysa:Oct,12,2014(Himilo)-Masuuliyiinta ugu sarraysa Wasaaradda Caafimaadka somaliland, ayaa iska difaacay eedo warbaahinta qaarkamid ahi u jeediyeen Hawlaha shaqo ee Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa u Hayo Shacabka Somaliland.

jaeeMasuuliyiintan oo uu ugu sarreeyo Wasiirka Wasaaradaasi Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye iyo Agaasimihiisa Guud, ayaa sheegay inaanu jirin meel lagu caddayn karo dad cisbitaalka, kuwaas oo ku baxay gacanta dad ajaanib ah sida ay baahiyeen warbaahinta qaarka mid ahi.

Wasiir Xaglotoosiye waxa uu sheegay in Cisbitaalku sameeyay horumar balaadhan, taas oo keentay in dhakhaatiirta gaarka ahi ku furaan dacaayado raqiis ah, “Cisbitaalku, horumar aad iyo aad u wanaagsan oo runtii la taaban karo oo Mushatamacu ogyahay ayuu ku talaabsaday.Adeegyo badan oo Caafimaad oo aan hore loo dabooli jirin ayuu daboolay.Caafimaad dibada loo tagi jiray ayaa halkan laga helaya hadda, waxa jooga dhakhaatiir aqoon u leh hawsha ay qabanayaan, Daawo tayo leh baa la keenaa oo Waa Cisbitaal Qaran ee maaha Cisbitaal Hargeysa” ayuu yidhi Wasiirka wasaarada Caafimadku.

Wasiirku waxa uu sheegay in Hiigsigoodu yahay sidii Cisbitaalka guud looga dhigi lahaa mid Gobolka oo dhan looga yimaado islamarkaana daboola baahiyaha Wadamada jaarka ah “Kun iyo sagaal boqol oo qof ayaa sanadkii hore la qalay, waxa dhintay saddex qof.waad dareemi kartaa 1900 oo qof oo 3 dhimatay, Kun iyo sideed boqol bay hadda maraysaa 3 Qof baa dhintay,markaa waa Dacaayad ku-tidhi ku-teen ah waxan Foore qoray.Mushtamaca waxaan ugu digayaa inay iska hubsadaan waxyaabaha la qoro.Joornaaladana waxaan leeyahay ilaaliya Anshaxa Saxaafadda” ayuu yidhi Wasiirku.

Wasiirku waxa uu dhanka kale Eedayn dadban u jeediyay Xarumaha caafimaad ee gaarka loo leeyahay oo uu sheegay inay dadka Lacagta ka dhamaystaan marka ay waxba ka qaban kari waayaana Cisbitaalka guud u soo gudbiyaan, iyadoo xataa dadka Cisbitaalka guud ku dhintay yihiin kuwo loo soo gudbiyay xilli aan waxba laga qaban karayn.

“Waxaan ka codsanayaa Ruggaha Caafimaad ee gaarka loo leeyahay(Private Clinic), anagu diyaar baanu u nahay inaanu wada shaqayno oo aanu dadka u wada adeegno, Cisbitaalkani waa kii qaranka, waxaanu jecelahay inuu Bukaanka aad u soo gudbinaysaan noqdo mid ku jira heerkii wax laga qaban karayay ee aanu Cisbitaalku idiin noqon midaad ku soo tuurtaan dadka aad u taag waydaan” ayuu yidhi Wasiir Xaglo Toosiye.

Wasiirku waxa uu intaasi raaciyay “xataa inta dhimatay waxaa Maamulka Cisbitaalku ii sheegay inay yihiin dad in badan lagu hayay Ruggaha Caafimaadka ee gaarka ah oo Lacagtii laga dhamaystay,waxba laga qaban kari waayay ka dib Cisbitaalkii loo keenayo.Dhakhaatiirta Ganacsigu waxay Qofkaas u soo tuurayaan laba sababood, mid waxa weeye inuu arkay inaanu waxba ka qaban karaym, takalena waxa weeye inuu Xaruntiisa dhimashada ka yareeyo oo aan lagu dhiman. Waxaan codsanayaa in dadka aad soo gudbinaysaan ama dibada u diraysaan yahay mid ku jira heerkii wax laga qaban karayay laakiin haddii kale halkiisa ku haya meelna ha u dirina” ayuu yidhi Wasiir Xaglo toosiye

 

Himilo Media

No comments:

Post a Comment