Tuesday, October 21, 2014

Meydadka 7-Haween ah Oo Laga Helay Gobol Ku Yaalla Maraykanka

Indiana:Oct,21,2014(Himilo)-Gobol Kamid ah Dalka Maraykanka, ayaa laga helay Meydadka 7-Haween ah, waxana la raadinayaa ciddii dilkaas ka dambaysay.

jorDembi baadhayaasha baadhaya qofka dilay todobada dumarka ah ee Maydadkooda laga Helay Gobolka Indiana, ayaa sheegay, in qofka sida weyn looga shakisan yahay inuu u sheegay inay suurta gal tahay inuu dilay dad aad u badan 20 kii sano ee la soo dhaafay.

Baadhayaashu waxa ay sheegayaan in Darren Vann, oo 43 sano jir ah, inuu qirtay dilka, markii la weydiiyay gabadh 19 sano jir ahayd oo lagu dilay albeergo ku taala magaalada Hammond.

Booliska waxa ay sheegayaan in akhbaarta uu ninkaasi bixiyay in ay u fududeysay helidda lix mayd oo kale, kuwaas oo la dilay laguna qariyay maydadkooda guryo cidlo ah oo ku yaalla Waqooyiga galbeed ee gobolka Indiana.

Dilalka noocan ah, ayaa shaki iyo argagax geliyey shacabka ku Nool Gobolka Indiana, waxana haatan la raadinaya maydad kale oo uu Ninkani laayey.

Ilaa iyo Haatan lama xaqiijin sababta keentay inuu ninkani laayo Haweenka tiradaas le’eg, waxase loo malaynaa inaanu maskax ahaan fayoobayn.

 

Himilo Media

 

 

No comments:

Post a Comment