Saturday, October 11, 2014

MIDAWGA YURUB: Mushkiladda Hor-taagan fulinta Xukunnada Dilka ah ee Somaliland iyo Baaqa ay Soomaaliya ugu jeediyeen joojinta Dil-ciqaabeedka

“Wax la aqbali karo maaha dilalka ciqaabta deg-degga ah ee Soomaaliya ka jiraa, xilli dalalka Afrika intooda badan uu dhaqankani kasii dhamaanayo....” Wakiilka Midawga Yurub u qaabbilsan arrimaha Michele Cervone d’Urso

Muqdisho, 11 Oct, 2014 (Himilo)- Dalalka ku bahoobay Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay, ayaa Mushkilad iyo Caqabad hortaagan ku ah fulinta Xukunnada dilka ah ee ay Maxkamadaha waddamada Islaamka ahi ku ridaan dadka Ciqaabtooda dilka ah ay Diinta Islaamku bannaystay ee Qisaasta ah sida in loo dilo qof, qof dilay iyo wixii la mid ah, dalalkaas oo ay ka mid tahay Somaliland oo aan dhawr iyo tobankii sano ee u dambeeyey laga fulinnin xukun dil ah.
WAKIILKA MIDAWGA YURUB EE SOOMAALIYA IYO MADAXWEYNE SIILAANYOPresident_Hassan_EU_Envoy2012Muddo toban sano ka badan, waxa jiray Xukunno dil ah oo ay ridayeen Maxkamadaha dalka Somaliland, hase-yeeshee, waxa meesha ka baxday in haba-yaraatee la fuliyo Xukunnada dilalka ah ee ay Maxkmadaha Sharciga ah ee dalku xukumeen, waxaana Xabsiyada dalka ka buuxa boqollaal qof oo xukunno dilal ah oo ku dhacay weli u xidhan, kuwaasoo ay qaarkood markay dhawr iyo toban sano oo ay dil ku xukunnaayeen ku xidhnaayeen Xabsiga dhexe ee magaalada Hargeysa iyo Xabsiga magaalada Gabiley geeridii Xaqa ahayd ugu timi oo ay Allaah amarkii ku dhex-dhinteen Xabsiga.
Dadka qaarkood dadkii marka hore dhibbanaha ahaa ee in loo qisaaso dilalka ay dadkooda dadkii u geystay qaarkood Xabsiyada ku geeriyoodeen, ayaa qaaddacay inay ku qancaan aqbalaadda in qofkii u xukunnaa dhintay oo kiiska qisaastoodu halkaas ku dhammaaday, iyagoo qaar sheegay inaanay arrin u taalla ahayn ee dilkoodu uu halkii taagan yahay maaddaama aan loo fulin xukunkii qisaasta ahaa ee ay xaqa u lahaayeen in cidda loogu xukumay loogu fuliyo.
Halka saddex nin oo qisaas dil ah ugu xidhnaa Xabsiga magaalada Gabiley ay iyaguna Xabsiga ku dhex-dhinteen, ka dib markii Cunto Sumaysan oo Maxbuus kale Xaafadaha magaalada mid ka mid ah looga soo qaaday oo uu diiday markuu ka shakiyey inay cuneen ay ku sumoobeen sidaasna ku dhinteen, ka dibna Dacwad saddex-geesood ah oo dhinacyada loo xukumay dilalkooda, dhinacyada ay ka dhasheen iyo dhinaca Cuntada Sumaysani ka timi isu qabsadeen isu soo martay Maxkamadaha Gabiley iyo Hargeysa dhawr sano ka hor.
Haddaba, dawladda Somaliland, ayaa lagu eedeeyaa inay u hoggaansantay dalalka Reer Galbeedka oo waddamadooda ka mabnuucay haba-yaraatee in Xukunno dil ah laga fuliyo, kuwaasoo qaddar lacageed ku bixiya joojinta dilalka qisaasta ah fulintooda, iyadoo Diinteenna Suubban ee Islaamku waajibisay in qofkasta oo si badheedh ah qof kale u dila in loo qisaaso oo loo dilo marka kiiskiisu caddaado. Waxaanay arrintan fulin la’aanta ah ee xukunnada dilka ah ee Somaliland ka hirgelay Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay doonayaan inay gaadhsiiyaan dhammaan dalalka kala duwan ee caalamka, gaar ahaan waddamada saddexaad ee Afrika.
Qaar mid ah Culimada waaweyn ee dalka, ayaa xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay fuliso xukunnada dilka ee lagu riday maxaabiista ku jirta dalka qaarkood isla markaana ay u hoggaansanaato waajibaad diinta Islaamku farayso umadda Muslinka ah in qof kasta oo ku dhegaraysan dilka Qof kale oo Muslim ah loo qisaaso. Sheekh Aadan Xaaji Maxamuud Xiiray (Aadan-Siiro), ayaa dhowaan khudbad uu Salaadda Jimcaha ka jeediyey Masjidka uu Khadiibka ka yahay oo ku yaala xaafadda Xawaadle ee Hargeysa, waxa uu xukuumadda u soo jeediyey inay fuliso xukunnada dilka ah isla markaana qof kasta oo si ula-kas ah u dila qof kale loo qisaaso, si looga hortago waxyeello ku timaadda nabad-gelyada dalka iyo in dilku noqdo wax si fudud uga dhaca dalka.
Danjiraha Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso, ayaa khudbad ka jeedinayay munaasabadda lagu xusayay maalinta Midowga Yurub iyo Caalamka ee joojinta dilalka ciqaabta ah ee la xuso tobanka (10-ka bisha October), wuxu ku sheegay inaanay aqbali karin in dalalka Afrika ka tirsan ay kasii socdaan dilalka deg-degga ah ee lagu fuliyo dadka lagu helo dembiyada ciqaabtoodu dilka tahay.
Michele d’Urso, ayaa xusay in arrintaasi ay tahay mid dalalka Afrika kusii yaraanaysa, balse dalal ay ka mid tahay Soomaaliya ay dhaqankaas dilal-ciqaabeedka ah la soo dedejiyay, wuxuuna hoosta ka xariiqay inaanay aqbali karin arrintaas Midowga Yurub.
“Wax la aqbali karo maaha dilalka ciqaabta deg-degga ah ee Soomaaliya ka jiraa, xilli dalalka Afrika intooda badan uu dhaqankani kasii dhamaanayo.” Sidaa ayuu yidhi d’Uso oo intaas ku daray in dilalkaasi ay yihiin mid hoos u dhigaya in sharciga iyo kala dambeynta la hagaajiyo.
Sidoo kale, Wakiilka Midawga Yurub u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa ugu baaqay dawladda Soomaaliya inay tallaabooyinka noocaas oo kale ah ee ay ku dhaqmaan Maxkamadaha Ciidammada dalka si dhaqso ah loo joojiyo.
Danjire Michele, ayaa sheegay in loo baahan yahay in ay dawladda Soomaaliya qaddariso qaraarkii kasoo baxay Qaramada Midoobay sannadkii 2012-kii, kaasoo lagu hakinayay dilalka ku saabsan ciqaabka deg-degga ah, isla markaana ay Soomaaliya wax ka saxeexday, balse aanay ku dhaqmin weli, Qaraarkaas oo tilmaamaya in dalalku ay joojiyeen dilalka xukunnada dilka ah mutaysta amaba ay xukunno dil ahi ku dhacaan.
Ergayga Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa hadalkiisa kusoo beegay xilli ay Maxkamadda Ciidammadu toddobaadyadii lasoo dhaafay xukunno dil toogasho ah ku ridday Askar ka tirsan Ciidamada dawladda Soomaaliya iyo xubno ka tirsanaa Kooxda Al-Shabaab, inkastoo aan Xukunnadaas weli qaarkood la fulinnin.
Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay, ayaa sidoo kale, Cambaareeyey xukunno dilal ah oo laga fuliyey dalalka Pakistan, Afganistan, Libnaan, Nageria iyo dalal kale oo dunida Islaamka ee caalamka ka tirsan, kuwaasoo dadka lagu fuliyey iyo kuwa aan lagu fulin dilalka ee Maxkamadaha waddamadaasi xukumeen lagu helay inay ku kaceen Dembiyo la xidhiidha dilal iyo Kufsi-wadareedyo ka ay Gabdho dhalinyaro ah iyo Hooyooyin-ba kula kaceen, una geysteen si axmaq-nimo iyo waxiisho-nimo, Ciqaabtooduna noqotay dilal toogasho iyo daldalaad ah, kuwaasoo ay ku dacaayadeeyeen Midawga Yurub iyo Qaramada Midoobay inaan lagu kalsoonaan karin xukunnada Maxkamadohooda.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment