Friday, October 10, 2014

Midowga Reer Yurub Oo Somalia Uga Digay Dilalka Degdegga ah Maxkamadda Ciidanku Fulinayso

Brassels:Oct,10,2014(Himilo)-Midowga Reer Yurub, ayaa digniin kasoo saaray Dilal ay sida degdega ah u fulayso Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Somalia oo muddooyinkan dambe sii badanayey.

cerDanjiraha Midowga Yurub u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Michele Cervone d’Urso ayaa khudbad dheer oo uu ka jeediyay munaasabadda lagu xusayay maalinta Midowga Yurub iyo adduunka ayaa ka dhawaajiyay inaanay aqbali karin in dalalka Afrika ay ka sii socdaan dilalka ciqaabta degdegta ah.

Waxa uu sheegay Michele Cervone d’Urso in hannaankaas uu yahay mid dalalka Afrika ku sii yaraanaya, hase yeeshee wuxuu hoosta ka xariiqay in dalal ay ka mid tahay Soomaaliya ay haatan ku dhaqmaan dilal ciqaabeedka la soo dedejiyay, isagoona sheegay in tallaabadaasi aanu aqbaleynin Midowga Yurub.

“Ma aha waxa la aqbali karo dilalka ciqaabta degdegta ah ee Soomaaliya ka jira” ayuu yidhi wakiilka Midowga Yurub ee arrimaha Soomaaliya oo sheegay in dalalka Afrika intooda badan uu haatan ka sii dhammaanayo falka noocaasi ah oo uu sheegay inuu yahay mid hoos u dhigaya in sharciga iyo kala dambeynta meesha ka saaro.

Dhinaca kale wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya ayaa ugu baaqay Dowladda Federaalka Soomaaliya inay joojiso gebi ahaanba tallaabooyinka ciqaabta degdegta ah ee ay fuliso maxkamadda ciiidamada.

Waxa uu sheegay Wakiilka Midowga Yurub u qaabilsan Soomaaliya in dowladda Federaalka ay eegto qaraar Qaramada Midoobay ka soo baxay sanadkii 2012 oo hakinaya dilalka degdegta ah, kaasi oo ay Soomaaliya ka mid noqotay dalalkii saxeexay, hadana aanay ku dhaqmeynin, wuxuuna qaraarku tilmaamayaa in dalalka xubnaha ka Qaramada Midoobay ay joojiyaan dilalka.

Hadalka wakiilka Q/Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli dhowaan Maxkamadda ciidamada qalabka sida ay fulisay xukuno isugu jira dilal iyo ganaaxyo kala duwan oo lagu riday shakhsiyaas la sheegay inay katirsanaayeen ciidamada qalabka sida.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment