Qalinka iyo buugu waa kuwo ka run sheega kalmada sida farshaxanimada leh u qorayaan, wakhti walibana waxa uu leeyahay xusuus iyo xigasho, waxay ahayd 1980 markii abwaan Cabdi iidaan faarax uu tiriyey gabaygii uu kaga qayb qaadanayey silsiladii Deelay ee abwaanada badani ka qayb qaateen, waxaana ka mid ahaa gabaygiisa tixdan
“Adiguna Dameeroow
Dawankaaga qaadoo
Hiigso faraska Doolaal
Dani seeto weeyee
Daba soco ma gaadhide.....”
Xaaladaha is bedelaya ee ka jira wadankan aynu ku nool nahay waa kuwo Hadba isa soo taraya oo ku faafaya bulshada muwadiniinta ah ee ku dhaqan geyiga guud ahaan, Ogow oo Burburkii hore ee Dawladii somaliya, Waxyaabaha ugu badan ee keenay waxa u badan ee dadka wax tixraacaa sheegaan in ay ahayd cadaalad daro iyo qabyaalad ka dhacday wadanka gudihiisa, kaasoo uu gadh-wadeen ka ahaa Maxamed siyaad bare, qabyaaladaasi waxay ahayd mid baahsan oo saamayn xoogan ku yeelatay dadkii ku noolaa gayigan maanta barwaaqada iyo nabada ku naaloonaya ee Somaliland, Cadaalad daradaasi waa mid aan ku eekaan dadkii lugula kacay laakiin saamaynteeda iyo waxyeeladeedu gaadhay Dadkii islahaa Wax baad xoog ku maamuli kartaan, Taas oo ugu dambayntii keentay mida 20 sano ka jirtay geyiga koonfureed ee somalidu degto, Hadaba ogow oo in cadaalad darada iyo xaqdarada lugula kaco bulsho meel ku dhaqani ay suurto gal tahay ahna mid la hubo in cidhib dambe oo xun ku reebto dadkii ku kacay cadaalad daradaas.
Waxa ka jira Somaliland tabashooyin badan oo xaga beelaha ah iyo kuwo shaqsiyadeed kuwaasoo Haddii aan si degdeg ah wax looga qaban keeni kara cawaaqib xumo ka dhalatay oo cidhibta dambe ka dhigi kara mid geyigan aynu ku noolnahay noqdo mid burbursan sida somaliyada koonfureed ee aynu jaarka nahayba haysata.
Gobolada Barri ee Somaliland waa kuwo madaxtooyada Somaliland iyo guud ahaan dalka laga jecelyahay inay ka mid noqdaan Somaliland dadkoodu sida dhulkuba Somaliland u yahay, halka kuwa galbeedna la rajaynayo iyagana sidaas oo kale, laakiin taasi maaha mid madaxtooyada Somaliland ka jirta waayo waa mid daah laga saaray bulshooyinkaa gobolada bari iyo kuwa galbeed ku dhaqan oo sidii cadaalada ahayd aan loo raacin, xaga horumarka iyo maamul daadajenta taas oo keentay dhibta maanta ka taagan, waxaan ka warqabnaa in reer awdal si xilkasnimo leh usoo magacaabeen odayaal kuwaasoo ka arrimiya arrinka mugdiga leh ee ka jira dalka ee u janjeedha qabyaalada, laakiin maamulkoodii waxa loo saaray wasiiro aan shaqo ku lahayn, ogow oo wasiiradu waa kuwii meel madow ku ansixiyey Khilaafkii dhawaan ka dhacay baliga diiriye guuleed ee sababay dhaawaca ciidanka, taasina waa mid aanay ka waantoobin Madaxtooyadu, mida bulshadu la yaaban tahay waa tan ah arrin kasta oo dhaca in loo saaro wefti aan ahayn ehelkii arrinkaas wax laga weydiin lahaa taas oo naanays u bixisay madaxtooyada iyo dawlada hada, (Dawladii Gudida), Ogow oo gudida la diraana maaha kuwo arrin lugu farxo oo bulshadaas loo diray farxada geliya wax xaq iyo cadaalad ahna kasoo saara.
Hadaba maxay tani u dhacaysaa iyada oo la ogyahan waxyaabihii laga dhaxlay cadaalad daradii iyo xaqdaradii dawladii hore ee siyaad bare ee uu ku hayey bulshadan.
Lasoco 2aad............................................
Hamse Shaadhey
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland
No comments:
Post a Comment