Barkhad Cabdi Sheybe waxa uu sheegay in ka sokow u tartankiisa golaha wakiilada ee doorashada soo socota, haddii ilaah ku guuleeyo xilkaa uu sidoo kale diyaar u yahay inuu qabto jagada Gudoomiyaha Golaha Wakiillada, inuu qabto, si jiilka dhalinyaradu u xaqiijiyaan ka-qayb-galkooda siyaasadda dalkooda oo u dhammays-tirma isla markaana ay ka muuqdaan dhammaan hay’adaha kala duwan ee dalka.
Musharaxan oo warbaahinta kula hadlay Hargeysa, waxa uu sheegay inuu diyaar u yahay fulinta ballanqaadka uu la geli doono guud ahaan taageerayaashiisa iyo bulshada gobolka Togdheer, isla markaana noqon doono mid danahooda dhinac walba kaga ilaaliya Golaha wakiilada dhexdiisa.Barkhad Sheybe waxa uu ka codsaday guud ahaan bulshada gobolka Togdheer inay taageeradooda isla garabtaagaan marka la gaadho doorashada Golaha Wakiillada.
No comments:
Post a Comment