Wednesday, October 15, 2014

Nuxurka Heshiis 12 Qodob ah oo Wakiillo Hargeysa dhawaan yimi isku fahamsiiyeen Maamulka Puntland iyo Dawladda Soomaaliya

Garowe, 15 Oct, 2014 (Himilo)- Wakiillo booqashooyin kala duwan ku yimi Caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo madaxda dalka dawladdana kulamo la yeeshay dhawaan, ayaa heshiis 12 qodob ka kooban isku-fahansiiyey Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo dawladda Federaalka ah ee Soomaaliya oo dhawrkii bilood ee u dambeeyey khilaaf Siyaasadeed iyo mid sad-bursi salka ku hayaa u dhexeeyey.

Heshiiskaas ayaa magaalada Garoowe ee Xarunta Maamul-goboleedka Puntland ku dhex-maray dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulkaas, waxaana Heshiiskaas labada dhinac u kala saxeexay Raysal-wasaaraha Soomaaliya Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed iyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ka dib markii uu muddo afar maalmood ah halkaas uga socday Shir ay kaga wada-hadlayeen khilaafka u dhexeeya iyo xal-u-heliddiisa.

Bz6hzA1CEAAB-_tWakiillada Heshiiskan is-fahamsiinta ah ka Odayeeyey Maamulka Puntland iyo Federaalka Soomaaliya, ayaa ah Wakiillada Soomaaliya u qaabbilsan Qaramada Midoobey Nicholas Kay, Midowga Yurub Michele Cervone d’Urso, Urur-goboleedka IGAD Maxamed Cabdi Afay iyo dalka Itoobiya oo ah Shir-guddoonka sannadkan ee Golaha Wasiirrada IGAD.

War-Murtiyeed ay si wada-jir ah u soo saareen Wakiilladan oo goob-joog ka ahaa Shirka ay ku heshiisiiyeen Maamulka Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya, waxay ku sheegeen inay ku faraxsan yihiin heshiiskan ay labada dhinac Salaasadii shalay ku kala saxeexdeen magaalada Garoowe, isla markaana ay tahay guul iyo tallaabo loo qaaday dhinaca horumarka.

Qodobbada lagu heshiiyey waxaa ka mid ahaa dhammaystirka Dastuurka iyo dhismaha Maamul-goboleedyada iyada oo loo marayo qaab sharci ah. Dawladda Federaalka, ayaa garowsatay inuu jiro wax ka beddel lagu sameeyey Dastuurka, arrintaasoo Puntland si weyn ugu riyaaqday.

Puntland ayaa soo dhoweysey dhismaha Maamulka loo sameynayo gobolada Galguduud iyo Mudug, waxaase heshiiska qayb ka ah in gobolka Mudug loo qaybiyey labo. Qaybta Koonfureed oo ka tirsanaan doonta maamulka gobollada Dhexe iyo qaybta Waqooyi oo Puntland raacsan.

Qodobbada muhiimka ah ee heshiiskani dhigayo waxaa ka mid ah:-

-Dhismaha Ciidammo Qaran oo isu dheelli-tiran iskuna dhafan.

-In si Caddaalad ah loo qaybsado Deeqaha lagu soo qaado magaca Soomaaliya.

-In si Caddaalad ah loosoo magacaabo Mas'uuliyiinta dawladda ee Rayidka ah iyo kuwa aan Rayidka ahayn labada-ba.

-In si Caddaalad ah loo qaybsado wixii kasoo noqda Hantida Soomaaliya dibedda kaga maqan.

-Iyo in si deg-deg ah laysugu soo celiyo hantida la kala haysto.

Shahaadada dugsiga sare ee Puntland ayaa ka mid ahayd arrimaha laysla meel-dhigay, waxaanay labada dhinac isla oggolaadeen in shahaadada lagu qoro magaca Dawladda Federaalka, Astaanta Qaranka iyo magaca Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Waxa kale oo qodobbada lagu heshiiyey ka mid ahaa in maamul aanu ku jirin Waqooyiga Mudug loo dhiso gobollada Mudug iyo Galguduud. Qodobkan oo ah ka salka u ahaa khilaafkan Maamulka Puntland iyo dawladda Federaalka ah u dhexeeyey, ka dib markii ay Puntland ka soo horjeesatay dhismaha Maamulkaas oo ay sheegtay in deegaannada goboolladaas qaarkood ka tirsan yihiin Puntland.

Haddaba, Wakiilladan Midawga Yurub, Qaramada Midoobay, Urur-goboleedka IGAD iyo Itoobiya u qaabbilsan arrimaha Soomaaliya, ayaa geestooda War-Saxaafadeedka ay kaga hadleen heshiiskaas waxay ku yidhaahdeen sidan:- “Waxaan soo dhoweyneynaa heshiiska maanta (shalay) ay wada gaadheen dawladda Federaalka Soomaaliyeed iyo Dawlad-goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed. Heshiiskani waa tallaabo muhiim ah oo hore loogu qaaday dhisidda nabadda, taasoo dan u ah dhammaan ummadda Soomaalida.

Dawladda Puntland oo leh waaya-aragnimo gaadheyso 16 sano, waaya-aragnimadaas oo ku saleysan Qaran-dhisidda iyo Maamul-wanaagga, ayaa kaalin weyn ka qaadan karto sidi loo dhisi lahaa Soomaaliya oo xoog leh, nabad ah, ku shaqeeyo nadaamka federaalka, demuquraaddi ah, oo mideysan.

Waxaa loo baahanyahay in si wada-jir ah loo qaado tallaabooyin muhiim ah bilaha soo socdo, tallaabooyinkaas oo ay ka mid yihiin dib-u-eegista iyo hirgelinta Dastuurka Federaalka ah iyo sidi doorasho loo qaban lahaa sannadka 2016-ka. Waxaan diyaar u nahay in aan taageerno hirgelinta heshiiskaan annagoo u mareeyna Qorshaha Hiigsiga Cusub ee Soomaaliyeed.

Saaxiibbada Soomaaliyeed ee ka socda caalamka waxaa ka go’an in ay taageeraan hadafka waddanka Soomaaliyeed ee ku aaddan soo celinta nabadda iyo Qaran dhisidda ayaga oo xurmo buuxda siinaya  Dastuurka Federaalka Soomaaliya.” Sidaa ayay qoraalkooda wada-jirka ah ku yidhaahdeen Wakiilladaasi.

Heshiiskan ayaa soo afjaraya, haddii sidiisa dhinacyada gaadhay ay ugu dhaqmaan, khilaaf muddo dhowr bilood ah soo jiitameyey oo ka dhex jirey Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, khilaafkaas oo Cirka isku sii shareeray markii la bilaabay qorshaha lagu dhisayo Maamulka gobollada dhexe ee Soomaaliya ee Gal-guduud iyo Mudug.

Dawladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland waxay dhowr mar oo hore kala saxeexdeen heshiisyo caynkan oo kale ah, kuwaasoo badankooda aanay waxba ka hirgelin, lamana saadaalin karo in heshiiska shalay Garowe lagu kala saxeexday ka duwanaan doono kuwii ka horeeyey iyo in kale.

No comments:

Post a Comment