Sunday, October 12, 2014

Q.3aad; Halyeeyaddii Ummadda Iyo Hanaqaadkii Diinta- W/Q Guuleed Maxammed Yaasiin Dalxa Q.1aad

Bismillaah, wassalatu wassalamu cala Rasuuli Allah SCW. Dhawaan waxaan ka soo hadalnay, Bukhari iyo Muslim taariikhdooda. Immika waxaan bilaabaynaa afartii weriye xadiith ee kale. Si kale haddaan u dhigo, waxa la yidhaahdaa qorayaasha Sunan Arbaca.
Imaam Attarmidii
Magaciisa iyo Nasabkiisa
Abuu Ciise Maxamed bin Ciisa bin Sowrah bin Muuse bin Dhaxaak Assulami Attirmidi:
Wuxuu dhashay casriggii dahabiga ahaa qarniggii saddexaad ee hijriga waa xiligii inta badan la qoray sunnada Rasuulka (sallallaahu calayhi wasallam). Sidoo kale, waa xiligii ay soo shaac baxday qorista kutubta loo yaqaano (Kutub Sixaax) Kutubtaasoo uu ku jiro kitaabka uu qoray imaamka ee la yidhaahdo “Jaamic Attarmidi” .
Imaamku wuxuu dhashay Dilxijjah sanadkuu markuu ahaa 209H, wuxuuna ku dhashay tuulo ka mid ah magaalada Tirmid oo lagu magacaabo “Buugh”, kuna taal wadanka hada loo yaqaan Uzbekistan ee marka la eego juquraafi ahaan u dhow dalka Afganistan. Imaamku dhulkii ay kasoo jeedeen culimadii xadiithka ku caan baxay sida: Imaam Bukhaari iyo imaam Muslim.
Awoowgiis wuxuu asal ahaan ka soo jeeday magaalada Marwu oo hadda ka mid ah dalka Turkuminstaan, balse waxay markii danbe u guureen magaalada Tirmid halkaas oo uu ku dhashay imaamku noloshiisa bilowgeediina ku qaatay.
DADAALKIISII AQOON RAADISKA
Imaamku wuxuu ahaa mid cilmiga aad u jecel. Tan waxa ku tusinaysa sida uu dhulal badan u maray siduu cilmiga xadiithka u baran lahaa. Barashadda cilmigga wuxuu ku bilaabay yaraan. In badan ayuu culimada la fadhiistay si uu uga qaato cilmigooda kala duwan, wuxuu ahaa imaamku mid fahmad badan leh, xifdigiisuna aad u sareeyo.
Imaam Tirmidi wuxuu u qalab qaatay doonista cilmiga isagoo raacaya xadiiskii Rasuulka SCW. Nebigga SCW waxa ka sugan inuu yidhi, “ Qofka mara waddo uu ku raadinayo cilmi (diini ah) Alle waxa uu u fududeeyaa wadadda jannada.”
Aqoonyahanadda xadiithka waxa caado u ahayd inay safraan oo ay xadiith daydayaan sugan. Sidaas daraadeed, Imaamu Tarmiddii sidaas ayuu sameeyay. Imaamku wuxuu ka dhagaystay cilmiga culimadii Ciraaq, Khuraasaan,Xijaaz iyo kuwo kaleba. Xifdgiisa waxa la sheegaa inuu aad u sareeyay, waxaa la yidhi axaadiista waxuu durba ku xifidiyi jiray muddo yar kadibna waxuu dalban jirey in loo sii kordhiyo si looga dhagaysto isagoon hal xarafna qaldin.
Imaamku wuxuu ka mid yahay Culimada la isku haleeyo axaadiistooda, kuwaas oo lagu naanayso “Asxaabu siitah”. Waxayna kala yihiin: Bukhaari,Muslim, Abuu Daauud, Nisaa’i iyo Ibnu Maajah.

CULIMADIISII
• Imaam Bukhaari
• Quteybah binu Saciid
• Maxamed Binu Bashaar
• Maxamed bin Almuthana
• Ziyaad binu Yaxye al Xasaanni
• Yacquub binu Ibrahim
• Abuu Saciid al Ashax
• Nasr bin Cali Aljahdami
• Camr ibn Cali Alqalansi
• Cabaas binu Cabdulcadiim
• Isxaaq ibn Raahawiya iyo kuwa kaloo badan.
AMAANAHA LAGULA DUL DHACAY SHEEKH MAXAMED BINU CIISAA
Ibnu Kathiir wuxuu yidhi, “ Imaam Tirmidi wuxuu ahaa imaam xaafid ah lehna kutub badan waxaana ka mid ah kutubtiisa kitaabka la yiraahdo (Al Jaamic Al Kabiir), kaasoo ah kutubta kan ugu wanaagsan.”
Sidoo kale, Ibnu Cimaad Alxanbali wuxuu yidhi, “Tirmidi waxuu ahaa mid ka soo dhex muuqda asxaabtiisa wuxuuna ahaa aayad xaga xifdiga iyo itqaanka.”
Almizi wuxuu yidhi, “Isagoo ka waramaya imaam Tirmidi wuxuu ahaa imaamyada xifdiga looga danbeeyo Ilaahayna ku anfacay muslimiinta.”
Assancaani wuxuu yidhi wuxuu ahaa imaam Tirmidi imaamkii casrigiisii cidna kulama tartamayn. .
Imaam Alxaakim waxuu yidhi, “Waxaan ka maqlay Cumar bin Cali oo leh waxa dhintay Bukhaari ugamanuu tagin Khurasaan qof la mida Abii Ciisa xaga cilmiga, xifdiga, xalaal-miirashada iyo zuhdiga.”
Kutubtuu Alifay Imaam Tarmidii
• Sunanu Attarmidii– waa kitaabkii ugu horeeyay ee uu alifo imaamku oo kuna soo caanbaxay, isaga dartiina loogu naaneysay (imaam )
Isagoo ka sheekaynaya imaamku kitaabkiisan wuxu yidhi, “Waxaan u soo bandhigay culimadii Xijaa,. Ciraaq iyo Khurasaanba wayna ka raali noqdeen.” Waxa kale oo yidhi, “Qofkii uu gurigiisa uu yaalo kitaabkan waaba isagii oo Nabigu scw la hadlayo!”
Kutubtiisa waxa kale oo ka mid ah:
• اAl Cilal Assuqraa
• Shamaail Muxammadiya Iyo qaar kale
Geeridii Imaam Tirmidi
Wuxuu ku dhintay Imaam Tirmidi magaaladisii Bowq bishii Rajab sanadkii 279H, kadib markuu nolol ka buuxda cilmi iyo camal ku sagootiyay intii ka hadhsanayd noloshiisa. Imaamku wuu indho beelay dhammaadkii noloshiisa. Culimada qaarna waxay sheegaan inuu oohintiisii badneyd darteed uu la indho beelay.
Imaamku noloshiisa intii badnayd wuxuu ku dhameystay baridda cilmiga, dhagaysigiisa iyo qorida kutubtan laga dhaxlay.
Himilomedia.com
Hargeysa-Somaliland

No comments:

Post a Comment