Saturday, October 11, 2014

Rakaabka Gelaya Dalka Maraykanka Oo Laga Baadhayo Viruska Keena Cudurka Ebola

New York:Oct,11,2014(Himilo)-Inta Badan Garoomada ay kasoo degaan Diyaaradaha sida Rakaabka dalka Maraykanka soo gelaya, ayaa lagu soo rogay Qaanuun cusub oo dadka soo gelaya lagaga baadhayo cudurka xawaaraha sare ku socda ee Ebola.

PAAGBaastoolad akhriyeysa Viruska Ebola ayaa qofka lagu eegayaa iyadoo la baadhayo in dadka Maraykanku ka badqabaan xanuunkaasi, oo aanay kusii faafin bulshada kale.

Cabsi ayaa dad badan kasoo foodsaartay in ay u dhoofaan dalal badan oo caalamka ah, gaar ahaan dalalka Afrika iyadoo Ebola kusii fidayo caalamka dadka u geeriyoodayna lagu sheegay tiradoodu in ay gaadheyso 4000 oo qof.

Safaf dhaadheer ayaa ay gelayaan dhammaanba rakaabka soo gelay dalka Maraykanku, waxana la mamnuucay inuu dalka soo galo qof aan dhiigiisa laga baadhin xanuunkan dunida cabsida badan ka muujisay.

 

Himilo Media

 

No comments:

Post a Comment